Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Wednesday, 24 April 2024

War Weyn .. Muxuu Farmaajo Kala Socday Gacan-galinta Qalbi Dhagax

Monday - September 4, 2017

 


1- Markii uu Cabdikariim Gaalkacayo ku xirnaa waxaa in Muqdisho la keeno doorka runta ah ku lahaa safaaradda Ethiopia iyo masuuliyiinta Farmaajo ka hoosaysa, dadka caadiga ah iyo Farmaajo waxaa loo sheegayey in Cabdikariim NISA soo qaaday si dowladdu go’aan uga gaarto arrinkiisa.

2- Qalbidhagax Markii Muqdsiho la keenay xildhibaano iyo senataro, ayaa M/weyne Farmaajo kala hadlay arrinta Cabdikarin Qalbi Dhagax in haddu dembi ka galay dalka maxkamad la saaro haddi kale xurayadiisa la siiyo.
3- Farmajo wuxuu ragi ugu jawaabay: waxaan waxaynu iswaydiin uun ma halkan ayeynu ku sii daynaa mise dal kale ayeynu u qaadnaa? waana la kala tagay waxayna u qaateen in arinta sahal tahay.

4-Saraakiisha Sirdoonka Ethiopia iyo safaaradooda, waxaa la xaqiijiyey in muddo 24 saac guddohood ah ay 5 jeer la kulmeen Agaasimaha NISA, wadahadlkaa kadibna dowladda Ethiopia codsi rasmi waxay gaarsiisay xafiiska R/wasaaraha Soomaaliya MR, Khaire.

5- Agaasinka Madaxtooyadu wuxuu ciriiri geliyey oo uu aad u adkeeyey fursadihii lagula kulmi lahaa Madaxweyne Farmaajo, gaar ahaan masuuliyiintii Cadikariim sii dayntiisa u’ololaynayey oo dhammaantood ah masuuliyiin u badan labada gole ee Baarlamaanka, oo waxaaba dhacday in rag xildhibaanno ah 8 saacadood madaxtooyada joogeen kadibna iska tageen iyagoon arag Farmaajo.

6-Maalintii wareejintu dhacday waxaa Madaxwayne Farmaajo wada jir ula kulmay R/wasaaraha iyo Agaasimaha NISA Mr, Sanbaloolshe, waxayna Farmaajo siiyeen warbixin oranaysa: “Mudane; Cabdikariim Qalbi Dhagax iyo Ethiopia waxba iskuma diidana ee aynu dhexdooda ka baxno, Farmaajo; hadalkaas wuu qaatay oo isla markiiba durba wuxuu Farmaajo dalbaday in loogu yeero qaar ka mida xildhibaanaddii sii daynta Cabdikariim Qalbi dhagax ku howlanaa. is aragoodi farmaajo wuxuu la wadaagay xogtii la soo gaarsiiyey oo ahayd in Qalbi dhagax iyo Ethiopa is ogyihiin, laakiin xildhibaanadi waxay ugu jawaabeen in Qalbi dhagax 30 sano ayey Ethiopia raadinaysay, warkaasina majiro, talo adigay ku joogtaaye ama siidaa ama hayso.

7- Markii Cabdikariim laga soo qaaday Magaalada Gaalkacayo ee MUQDISHO la keenay waxaa lagu wareejiyey ciidanka NISA; wuxuuna ku xirnaa xaruntooda waxaana loola dhaqmay si wanaagsan, isaguna wuxuu qabay kalsooni 100% ah inuu Ethiopia ka badbaaday. Kadib markuu heshiiskii Wareejintu dhacay ayaa waxaa taliyaha Sanbalooshe NISA ee haysay Cabdikariim Qalbi Dhagax loo sheegay in Maxbuuska loo wareejinayo goob kale (Xabsi kale) Cabdikariim laftiisa waxaa lagu wargeliyey in goob kale la gaynayo.

8- Waxaa goobta tagay Agaasimaha NISA Sanbaloolshe iyo la taliyaha Madaxweyne Farmaajo S/guuto Bashiir Goobbe; waxayna wateen baabuur ayna xabbaddu karin oo laga leeyahay Madaxtooyada (villa Somalia) waxaana la socday askarta koofiyad casta ah ee Madaxtooyada. Kadib waxaa Cabdikariim la geeyey Safaaradda Ethiopia oo Madaxtooyada ku dhex taalla, waxaana halkaas kasoo raacay laba sarkaal oo ka tirsan Wardoonka Ethiopia, markuu arkay Saraakiisha Ethiopian-ka ayuu Cabdikariim dareemkii ugu horreeyey qaaday, isla dhawr daqiiqo yar gudohood waxaa la geeyey Airport-ka MUQDISHO.

Kadib maxaa dhacay?
Markii laga dajiyey gaarigii lagu waday ee la rabay in diyaaradda la saaro ayuu Cabdikariim dagaalamay wuxuu ahaa nin xoog badan wey xakameyn waayeen ilaaladii wadday, meeshii waxaa ka dhacay buuq, waxaa soo farageliyey Saraakiishii iyo askartii Airport-ka joogtay waxayna yiraahdeeen: “ iney Celiyaa ninkan!, diyaaradda xoog laguma saarayee”. Kadib maxaa dhacay? Dibbaa loo soo celiyey Cabdikariim, waxaa la geeyey xerada Afisyoone, waxaa lagu sameeyey jir-dil xoog badan, waxaa aad looga garaacay madaxa, lugaha iyo gacmaha markii la jilciyey waxaa madaxa loo galiyey maro lagu qariyey dhammaan madixiisa, waxaana loo xiray laba dible. Sidaas ayaa markale loogu qaaday Airport-ka laakiin markan ma’uuna ahayn nin is dhaq-dhaqaajin kara! waxaana la saaray diyaarad yar oo garoonka meel gees ah ka taallay isagoo ay garbaha kaga jiraan laba askari oo soomaali ah oo Koofiyad cas ah, waxaana sii raacay Saraakiil Tigree iyo soomaali isugu jirta, waxaana laga dejiyey Magaalada Baydhabo.

WQ: Ismaaciil Cali Ismaaciil (Ina Cali Fooley)