Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 28 March 2024

War Deg Deg Ah .. Madaxweyne Farmaajo Oo R/Wasaare Kheyre Ka Codsaday Inu Is Casilo

Monday - September 4, 2017




Madaxweyne Farmaajo ayaa xafiiskiisa ugu yeeray Ra’isul Wasaare Kheyre, waxaana kulankaas sidoo kale goob joog ka ahaa xildhibaano ka tirsan baarlamaanka dowladda iyo Wasiiro.

Waxyaabaha ugu waa weyn ee looga hadlay kulankan ayaa waxaa ay aheyd fadeexadii ka dhalatay in Itoobiya loo gacan geliyo C/Kariim Qalbi-dhagax taas oo dhibaato ku noqotay taageeradii ay dowladu ka haysatay shacabka.

Madaxweynaha ayaa lasoo sheegayaa inuu Ra’isul Wasaare Xasan Cali Kheyre hordhigay inuu iska casilo xilkaas mudo kooban gudahood si arrintaan xal loogu helo.

Laakiin Ra’isul Wasaaraha ayaa dalbaday waqti uu ku sameeyo la tashiyo isla markaana uu uga fakaro arrintan, kadibna uu kusoo jawaab celin-doono, waxaana la siiyay mudo 24 saac ah.

Ra’isul Wasaare Kheyre ayaa intaas kadib kulan aan caadi aheyn beesha uu ka dhashay kula yeeshay Hoteel Xayaat oo kamid ah hoteeladda ku yaal Number4 ee magaalada Muqdisho.

Kulankan ayuu Ra’isul Wasaare kheyre ka sheegay qorshaha madaxweyne Farmaajo iyo iney talo ka siiyaan hadii uu xilkaas iska casilayo.

Laakiin beesha Murusade ayaa si weyn u diiday inuu iska casilo xilkaas, iyagoo ubalan qaaday iney garab istaagi doonaan si uu xilkaas u sii hayo.

Kulanka kadib ayaa la soo sheegayaa in Ra’isul Wasaare Kheyre uu manta ku laabtay xafiiska madaxweynaha halkaas oo kulan saacad qaatay uu kula yeeshay.

Xasan Cali Kheyre ayaa ayaa ugu dambeyn ku wargeliyay Madaxweyne Farmaajo inusan xilkaas iska casili-doonin, waxaana wadahadal dheer kadib halkaas ku dhamaaday xariirkii labada masuul.

Dhinaca kale Warar lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in Madaxweyne Farmaajo uu la hadlay xildhibaanadda baarlamaanka isagoo ka dalbaday in si deg deg ah mooshin looga keeno Ra’isul Wasaare KHEYRE isla markaana xilka laga tuuro, wuxuuna ku yiri “Bataatanba Ninkan hala idhaafiyo wax walba haku baxaan”ayaa laga soo xigtay madaxweyne Farmaajo.

Xaalad siyaasadeed oo aad u qasan ayaa haatan ka jirta magaaladda Muqdisho gaar ahaan xafiiska madaxweynaha iyo Ra’isul Wasaaraha, waxaana madaxweynaha uu balansaday xildhibaanadii ugu badnaa si xilka looga qaado Ra’isul Wasaare Kheyre.

Arintan ayaa ka dhalatay qaabkii Itoobiya loogu wareejiyay C/Kariim Qabi-dhagax oo la sheegay in madaxweyne Farmaajo uusan waxba kala socon.