Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 19 April 2024

Murugo Dig Soo Tiri .. War-Laay Ma Lagaga Waramay Hadlkii Iyo Tiraabti Laga Guntay Geesigi Ciisheysanaa Qalbi Dhagax Intaan Loo Tarxiilin Itoobiya

Thursday - September 14, 2017



Ayadoo todobaadyo ka hor magaalada muqdisho laga dhoofiyay Cabdikarin Muuse Qalbi Dhagax ayaa haatan la baahiyay arin murugo badan oo u ka hor sheegay saraakiisha nabad sugida qaranka soomaaliyeed xiligii gardaduub looga dhoofinaaye garoonka Aadan Cadde.

Waxay Ahayd aroor hore, Qalbi Dhagax oo gacmaha katiinad uga jabsan-tahay iyo ereyo been cidla ah iyo waa lagu sii deyn wax lagu maaweeliyaba, wuxuu kadib isla markiiba ku ogaaday gudaha Garoonka Aadan Cade in itoobiya loo tarxiilaayo oo noloshiisi ku idlaan-doonto xabsi kaliya ma ahe ee u la kulmi-doono xanuun iyo geeri badan, kadibna isagoo dhoosha ka cartamaya ciil la ildabaaya oo aad uga muregeysan godka xabsiga madow lagu midaamin-doono iyo jirdilka margiyada lagu goyn-doono, waxaa Madaxiisa ka degi-weyday in maanta xukumada Farmaajo u dhiibeyso nacabka itoobiyaa, dabadeedna ayuu markaa saraakiishi nabasugida intu in yar u jaleecay dood aan rajo lahayen ku yiri; Walaa-layaalow tanu waa yaabe maxaa laygu galaya, oo aan galabsaday, nin aan dalkiisa waxba ku sameyn oo la xiray ma xaqbaa .. soo mawaadin somali ma ahi soo sarkaal ciidan qaran ma ahi, oo cariga soo ma joogaan wax islaama oo wadanka u dir-naxaya amase xaajadan fal nacaska ka dhiidhiya, war dawley damiir yeesha waa dayacan-tihiine .. wuxuuna hadalkiisi si raacshay oo yiri: muxuu yahay heshiskaan balaayeysan laygu dhoofinaayo ee maankeygu diiday, ma garashadi dawlada baa sabooshay iyo muxuu yahay kaarkaan u Farmaajo Rogay oo dadkiisi dib ugu soo kaajay? ma garbkiisan Rag wadaniyiin ah joogin. 

Waxaa kalo laga soo tabiyey inu yiri: Walaaloow maxaa keenay in itoobiya la ii afduubo haddey dawladnimo taama joogtay .. walaa-layaaloow intaad nacabka ii dhiibi-lahaydeen adinku ii qasaasa oo i dila, dabadeed saraakiishi waday Qalbi Dhagax mid ka mid ayaa goobti indhihiisa ilmo ku soo joogsatay oo yiri: Waxaad tahay Walaal anaguse ma lihin awood aan ciyaarta socota wax uga qaban-karno oo Amar ayaa nala dul-dhigay aan fulineynaa ee Alle Weydiiso gargaar Eebe.

Qalbi dhagax oo sida ka muuqatay markaan dambe ku qanacsanaa in nolosha murug iyo farxad ama macaan uun bani'aadamka ku dulmeerto ayaa hadlkiisi ku soo af meeray oo yiri: Xudunti Dal-keygay, xarunti Dad-keygaay, Xamarey nabadey nabadey