Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Saturday, 20 April 2024

Dawlada Itoobiya Oo Baareysa Isku Dhacyadi Dhexmaray Oromada Iyo Somalida

Saturday - September 16, 2017


Inkasto rabshadihi dilka iyo qaxi ay weli halkii ka sii socdaan ayaa Dowlada Itoobiya sheegtay in baarayaal xuquuqda aadanaha ah ay dirtay si ay qiimayn ugu soo sameeyaan gabood falada la sheegay in ay dhaceen ka dib markii uu isku dhac dhexmaray dhinacyo iska soo horjeed.

Isku dhacyada ayaa ka dhacay xuduuda u dhaxaysa gobolka ismaamulka Oromada iyo degaanka ismaamulka Soomalida Itoobiya. waxaana isla maanta la sheegaya in tiro kale oo dad ah rabshado ku dhaawacmeen, halka dhismooyin dawladu leedahay iyo gawaari la burburiyey inta ay rabshadahaas socdeen
Isku dhacyadani ugu danbeeyay ayaa waxa ku dhintay ugu yaraan 18 qof waxaana ku barakacay 30,000 oo qof.
Gobolada Oromia iyo Somalida ayaa ah labada gobo ee ugu wayn dalka Itoobiya.
Xiriirka u dhaxeeya labada gobol ayaa loo arkaa in ay haraysay arrinta loolan dhanka dhulka taasi oo horseeday muran iyo gacan ka hadal.
Muranka ayaa inta badan la xiriira khayradka sida biyaha iyo dhul daaqsimeedka.

Oromada oo ah qowmiyadda ugu badan Itoobiya ayaa ku eedeyneysa cutub gaar ah oo ka tirsan booliiska Ismaamulka Soomaalida ee ay deriska yihiin inay geystaan dilal iyo xadgudubyo kale oo ka dhan ah xuquuqda bini`aadamka.

Isku dhacyadan ayaa soo jiitamayay muddo bilooyin ah balse waxay soo xoogeysteen toddobaadkan.
Bishii la soo dhaafay, dowladda ayaa ka qaadday gobolka Oromada bandow 10 bilood saarnaa, kaddib in ka badan labo sano oo ay ka socdeen dibadbaxyo looga soo horjeedo dowladda dalkaasi.