Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Saturday, 20 April 2024

Al-Shabaab Oo Soo Bandhigay Ajaanib Iyaga Ka Mid Ahaa Oo U Shaqeynaayey Hay'ado Sirdoon

Tuesday - September 19, 2017



Al-Shabaab ayaa soo bandhigtay saddex ajaaniib ka bar bar dagaalamayay oo ka soo jeeda dalka Kenya, kuwaasoo la shaqeynayay sirdoonka Kenya iyo sirdoono kale oo reer galbeedka.

Muuqaalkan oo la daawaday 23 daqiiqo ayaa waxaa ka soo muuqqday saddex nin oo dhalashadooda tahay dalka Kenya laguna magacaabo Cabdallah Talaal Muuse oo 28 jir ah, kana soo jeeda magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Ninka labaad ayaa lagu magacaabaa Cabdi Casiis Mukayo Omambia oo asalkiisu ahaa Gaal, balse mar dambe muslimay ayaa ku dhashay Cheptiret oo ka tirsan dalka Kenya.

Ninka saddexaad ayaa lagu magacaabaa Hashim Cusmaan Shelali oo gudaha Mujaahidiinta looga yaqaanay Khaalid. Waxaa 27-kii September, 1981-kii uu ku dhashay magaalada Mombasa.
Saddexda nin ayaa sheegaya inay la shaqeynayeen Sirdoonka Kenya, gaar ahaan qeybta ATPU, iyo sirdoono shisheeye.

Waxaa ay Al-Shabaab ay ku soo biireen sanado ka hor, waxaana ay tilmaameen inay soo dirsadeen Sirdoono kale, si ay xogo ugu soo bandhigaan.

Muuqaalka ayaa waxay ku qiranayeen inay sawiro iyo macluumaad ka uruurinayeen Al-Shabaab dhexdeeda, sida xeryaha ay ku tababartaan, waxaana sawiro ay qaadeen u gudbiyeen Sirdoonka Kenya.

Ma ahan markii u horeysay ee Al-Shabaab soo bandhigaan xubno isugu jira ajaaniib iyo Soomaali oo ay ku eedeeyaan inay la shaqeeyaan sirdoono ajnabi, kana qeyb qaateen weeraro lagu dilay saraakiil iyo hoggaamiyeyaal.