Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 19 April 2024

Wadkii Cosoble Dilay Xaaf Ayuu Soo Kac Leeyahay .. Gudoomiyihi Baarlamaanka Galmudug Oo Bambadii Siyaasadeed Ee Loo Dhiibay Biinka Ka Furay Iyo Xaaf Oo Weer Cad Xirtay

Friday - September 22, 2017


Madaxweynaha Maamulka Galmudug oo Wareysi Xasaasi ah bixiyay ayaa uga digay madaxda dowlada gaar ahaan MD Farmaajo iyo Ra’isul Wasaare Kheyre iney joojiyaan dhalanteedka musuq-maasuqa iyo afgambiga ay ku hayaan maamulkiisa
Axmed Geelle Xaaf ayaa sheegay in dowlada Fedaraalka ay dhuxulo daba la wareegayaan oo xad gudub ku sameyneyso maamulkiisa, iyagoo ay irbad qabyaaladeed Ku Durtay madaxweyne ku xigeenka maamulkaas iyo gudoomiyaha Baarlamaanka.
 
Xaaf ayaa cod dheer iyo caga-jugleyn ku yiri: Kuwa doc ka yeerka, inta aysan boodin waxay ahayd iney iska hubsadaan halka ay ku dhacayaan, laakiin xaalkoodu waa Bac la afuufay ee Aniga ayaa iska leh go’aanka maamulka Galmudug, mana ahan wax ay diidi-karaan madaxweyne iyo ku xigeenka iyo gudoomiyaha Baarlamaanka, isla markaana wuxuu hadalkiisa ku daray inuu ogyahay oo la socdo in Kheyre iyo Farmaajo arinkoodu noqday Lacagey hadal iyo iyagoo oo soo wacay xubnahaas oo ay qaab qabiil ula hadleen.
 
MD Xaaf Mar uu ka hadlayay sababta uu go’aanka xariirka ugu jaray dawlada Qatar ay tahay in Qatar aysan Somali walligeed waxba laga helin, balse dalka ganacsigiisa ku xiran yahay dalka Sacuudiga iyo Emaaraadka Carabta oo gaar ahaan xoolaha somaaliya halkaas loo dhoofiyo.
 
Sidoo kale waxaa uu sheegay Xaaf in dowladu ay ku fashilantay arrimaha Khaliijka oo Farmaajo horey ayaan ugala hadalnay arintan, wuxuuna noo qabtay 7 maalin, laakiin sedex bilood ayaan sugeynay wax natiijo ahna kama helin sidaas darteed ayaana go’aanka u qaadanay.
 
Madaxwweynaha Galmudug ayaa aamisan in maamulkiisa uu yahay kii ugu dambeeyay ee go’aankaas gaaray : Puntland ayaa go’aankaas horey u gaartay sidoo kale Cosoble ayaa Hiirshabelle laga ceyriyay markii uu go’aankaas gaaray, Koofur Galbeed waa qaadatay, marka aniga kii ugu dambeeyay ayaaba ahay: ayuu yiri Xaaf.
 
Dhinac kale Dowlada Fedaraalka ayaa sheegtay iney ku adkeysaneyso go’aankii ay dhex dhexaadka uga aheyd arinta khilaafka Khaliijka laakiin lama oga sidii ay maamul goboleedyada ka yeeli laheyd.