Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 25 April 2024

Xildhibaano La Sheegay iney Diyaarinayaan Mooshin Ka Dhan Ah Dawlada Imaaraadka

Monday - September 25, 2017


Warar la xaqiijinaaya ayaa daboolka ka qaaday in Xubno ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya ay wadaan Mooshin ka dhan ah Dowladda Imaaraadka Carabta oo lagu eedeeyay in ay fara gelin cad ku heyso arrimaha Siyaasadda Soomaaliya.

Xildhibaan C/laahi Sheekh Ismaaciil oo ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa sheegay in uu socdo qorshahaasi ku aadan diyaarinta Mooshinkaasi oo ay wadaan xildhibaanada qaar.

C/laahi Sheekh Ismaaciil, ayaa sheegay inuu aad uga war haayo dhaqdhaqaaqa la xiriira Mooshinkaan laga diyaarinaayo Dowladda Imaaraadka Carabta oo ay abaabulkeeda wadaan Xildhibaanada.

Imaaraadka Carabta ayaa lagu eedeeyay inay faragelin toos ah ku hayso arrimaha la xiriira Saaxadda Siyaasadda Soomaaliya, kadib go’aankii dhex-dhexaad-nimada Dowladda Soomaaliya ay ka qaadatay Khilaafka dalalka Khaliijka ka taagan.

Qaar ka tirsan madaxda Maamul Goboleedyada dalka ayaa dhawaan safar ku tagay Magaalada Abu Dubai ee dalka Isu taga Imaaraadka Carabta, iyag halkaas kula soo kulmay madax ka tirsan Imaaraadka, si ay taageero ugu fidiyaan go’aankii Xulufada Sacuudiga ay ku xanibeen Dowladda Qatar.