Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Tuesday, 23 April 2024

Shirkii Wasiirada Oo Xalay Ku Dhamaaday Natiijo La'aan Kadib Markii Ay Laba Garab U Kala Jabeen

Monday - September 25, 2017



Wararka inaga soo gaaraya Magaalada Muqdisho, ayaa sheegaya in natiijo la’aan uu ku soo idlaaday shir xasaasi ahaa, oo xalay ay Golaha Wasiirada Somaliya ku yeesheen Xarunta Madaxtooyada.

Kulankan oo uu shir guddoominayay Ra’iisal Wasaare Kuxigeenka Somaliya Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) ayaa ka dambeeyay markii uu Madaxweynaha Maamulka Galmudug, Axmed Ducaale Geelle (Xaaf) uu shalay Magaalada Cadaado ka sheegay in loo diiday diyaaraddii uu la socday inay ka degto Garoonka Magaalada Muqdisho.

Kulankan oo si gaar ahi kaga qabsoomay Xafiiska Ra’iisal Wasaare Xasan Cali Khayre, ayaa waxaa lagu waday in uu yimaado Madaxweynaha Somaliya, Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo) laakiin sababo aan la xusin awgeed ayuu uga baaqday 

Ilo wareedyo, ayaa sheegaya in kulanka oo mid aan caadi ahayn ahaa, ay Golaha Wasiiradu kaga doodeen khilaafka soo kala dhexgalay Dowladda Somaliya iyo Maamul Goboleedyada, ka dib markii Maamulada ay ka horyimaadeen mowqifkii dhex-dhexaad-nimada ee Somaliya ka qaadatay xiisadda u dhaxeyso xulufada Sacuudiga iyo Dowladda Qatar.

Wararka, ayaa sheegaya in Golaha Wasiirada ay ku kala qaybsameen arrintan, markii ay qaarkood soo jeediyeen in si isku mida culeys loogu saaro Maamul Goboleedyada inay dib kaga noqdaan taageeradooda isbahaysiga Sacuudiga, oo aan qaarkood lagu cadaadin inay go’aankoodu ka laabtan.

Wararka waxay intaa ku darayan in Wasiiradu ay Madaxda Dowladda ku dhaliileen inay ka hoos baxday in go’aanadan oo kale ay ahayd in maamulada lagala tashado, isla markaana haddi dhaqaalle laga helay dawlada Qadar ay ahayd in qaybtooda laga siiyo Maamul Goboleedyada.

Wasiiradan waxay hadda ku talinayan in dowladdu ka laabato mowqifkii ay horey kaga qaadatay xiisadda Khaliijka, si loo mideeyo go’aanada Maamul Goboleedyada & midka dowladda.

Dood dheer ka dib, ayaa la sheegay in Ra’iisal Wasaare Kuxigeenku uu soo xiray kulanka, sababo ku aadan golaha oo laba garab u kala qaybsamay, mana jirin cid Warbaahinta uga warantay wixii looga hadlay kulanka.

Wariye-yaasha Magaalada Muqdisho oo bilowgii hore ee shirkan looga yeeray Aqalka Madaxtooyada ee Villa Somalia, ayaa intii uu socday shirka lagu wargeliyay inay dib isaga laabtan.

Xiisadda Wadamada Carabta oo khilaaf ka dhex abuurtay Villa Somalia iyo Maamul Goboleedyada, ayaa waxaa xilligan muuqata xitaa inay kala qaybisay Golihii Wasiirada.