Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Tuesday, 16 April 2024

Hooyo Waa Midaan Xaqeeda La Gudi-karin Waana Mudantahay Qadarin Iyo Maamuus Weyn .. Nin Hooyadiis U Baarinimo Falay Oo Aad Dunida Looga Amaanay

Tuesday - September 26, 2017


Bare wax ka dhiga jaamacad ku taala dalka Shiinaha ayaa hooyadiis oo waayeel ah, islamarkaasna xanuunsan u kaxeeyay fasalkii uu casharka ka bixinayay kadib markii uu waayay qof uu ku dhaafo.
Macalinkan oo lagu magacaabo Hu Ming oo ku nool koonfur galbeed gobolka Guizhou ee dalka Shiinaha ayaa si joogto ah fasalka ugu soo wata hooyadiis oo ah qof aad u waayeeloobay.

Ardayda ayaa markii hore u qaatay in haweenayda xagga dambe ee fasalka fadhida ay tahay macalimad hore oo hawlgab noqotay, si kormeer ahna ku joogta fasalka, balse markii dambe waxa ay ogaadeen in ay tahay macalinka hooyadiis.

Sheeko uu arrintan ka qoray wargayska Beijing Youth Daily ayaa waxaa baraha bulshada lagu faafiyay wax ka badan 7,000 jeer, astaanta Like ayaa waxaa la saaray 100,000 , waxaana laga bixiyay 9,000 oo aragtiyo badan oo dhammaantood lagu ammaanayo macalinka.

Haweenaydan ayaa waxa ay qabtaa xanuunka hilmaamka, waxaana dhacday in dadkii kale oo dhan ay wada hilmaamtay, xitaa gabadh walaashiis ah, sidaasi darteedna uu macalinkan isu xilsaaray in uu daryeelo hooyadiis.
Hilmaamkeeda ayaa waxa uu gaaray heer aan xad lahayn, iyada oo aanan xitaa kala garanaynin sokorta iyo oomada, halisna u ah in ay wax kasta ku dhacaan.
Macalinkan ayaa sheegay in hooyadiis mararka qaarkood ay fasalka ku dhex huruddo, mararka kalana ay iska dhagaysato casharada iyada oo xagga dambe fadhida. Waxa uu intaas ku daray in dhaqankeeda fasalkeeda dhexdiisa uu yahay mid aad u wanaagsan oo aanan wax buuq iyo dhibaato ku abuurin ardayda.
Maamulka Jaamacadda uu dhigo macalinkan ayaa waxa ay sheegeen in ay ka gaabsanayaan arrinta in macalinka uu hooyadiis fasalka keeno.
Dadka qaarkood ayaa sheegay in macalinkani uu ardayda barayo casharka ugu wanaagsan adduunka, oo ah in waalidka loo baarri-noqdo.

Daraasad la sameeyay sanadkii 2010-kii ayaa lagu sheegay in Shiinaha ay ku noolyihiin dadka ugu badan ee la nool xanuunka hilmaamka.
Waxaa kale oo jirta in dadka shiinaha ay sii gaboobayaan, waxaana intaas lagu daray in marka la gaaro sanadka 2030-ka dadka shaqeeya ee Shiinaha ay ka badnaan doonaan dadka gaboobay ee iyaga ku tiirsan.
Baarrinimada waalidka waa qeyb weyn oo muhiim ah oo ka mid ah dhaqanka Shiinaha. Iyada oo xitaa xilligii boqortooyadii Han dadka dowladda u shaqaynaya lagu xulan jirey hadbo sida ay u kala baarrisanyihiin.