Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 29 March 2024

Xubno Hinjinaaya Jawaano Lacag Kana Mida Xildhibaanadi Ku Dhawaaqay Xil Ka Qaadista Xaaf Oo Lagu Qabtay Dhuusa-mareeb

Wednesday - September 27, 2017



Dhusamareeb- Wararka laga soo xiganaayo Magaalada Dhuusa Mareeb ee Maamulka Ahlu Sunna ayaa sheegayo in halkaas lagu xiray 11 xildhibaan oo kasoo jeedo Galmudug kuwaas oo kasoo baxsaday Magaalada Cadaado.

Xildhibaanadaan ayaa kamid ahaa kuwii xalay ku dhawaaqay inay Xaaf xilka ka qaadeen, waxaana la sheegay inay la soo baxsadeen lacago ay Xalay soo qaateen.

Waxay soo aadeen Magaalada dhuusa-Mareeb ee Maamulka Ahlu Sunna, waxaana Xildhibaanadaas hoggaaminayey wiilka uu dhahay Guddoomyihii Dhuusa-Mareeb ee xiligi Dowladdi cabdulaahiYuusuf Xildhibaan Mooge Yuusuf Goobe.
Sidoo kale waxaa xildhibaanadaas kamid ahaa Xildhibaan Dhagaweyne iyo Xildhibaano Mire. isla markaa xog laga helay laba kamid ah Xildhibanaadaas ayaa kasoo jeedo deegaan ahaan Cabudwaaq halka laba kale ay kasoo jeedaan Beesha Madhibaan.

Wararka qaar ayaa sheegayo in xildhibaanadaas la sii daayey saacado kadib oo ay ku xirnaayeen Dhuusa-Mareeb kadib inkastoo aan weli la hubin sii deentooda.

Xildhibanadaan ayaa la sheegay in lagu sii daayey Damiin, maadaama xildhibaanka hoggaaminayey uu asal ahaan kasoo jeedo Guriceel isla markaasna aabihiis uu ahaan jiray Guddoomiye 
gabagabada warkaan ayaa lagu sheegay inuu hadda wadadal u socdo Xildhibanadaas iyo Maamulka Ahlu Sunna.