Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 29 March 2024

Beesha Degta Cadaado Oo Go'aan Adag Ka Soo Saartay Doorasho Lagu Qabto Galmudug

Monday - October 2, 2017


Odayaasha Dhaqanka ee Beesha Saleebaan ee Habargidir, ayaa waxay diideen in wax doorasho ahi xiligaan lagu qabto Magaalada Cadaado, illaa iyo inta lagu kala baxayo Dastuurka u dhigan Galmudug.

Ka dib kulamo ay Odayaasha Dhaqanka ku lahaayen Magaalada Cadaado, ayaa waxay soo fara-geliyen xiisadda siyaasadeed ee ka taagan magaalada, iyagoona caawa soo saaray bayaan shan qodob ka kooban.

Odayaasha Reer Cadaado ayaa xalay ka hadlay khilaafka Galmudug Waxayna Kasoo Saareen War Saxaafadeed ka Kooban 5 Qodob.

1- In Cadaado aan madaxweyne lagu dooran inta laga xalinayo xiisada siyaasadeed

2- In Lagu kala baxo Dastuurka u yaala Galmudug

3- In Amniga magaalada Cadaado uu yahay lama taabtaan

4 In Madaxweynaha uu furo garoonka diyaaraha Cadaado

5 In Dowlada Somaliya ay ka shaqeyso hormarka Galmudug oo aysan ka shaqeyn dib u dhaca Galmudug.