Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 19 April 2024

Taliyaha Boliska Catalonia Josep L. Trapero Oo Lagu Eedeeyey Inu Taageeray In Gobolka Katalon U Ka Go'o Spain

Friday - October 6, 2017



Taliyaha booliska gobolka Catalonia, Josep Lluis Trapero, ayaa hor tagay maxkamad ku taalla Madrid, waxaana looga shakisan yahay in uu taageeray in gobolka Catalan uu ka go’o Spain.
Ciidamada uu maamulo ayaa lagu eedeynayaa in ay ku guuldareysteen in ay taageeraan ciidamo kale oo ka hortagayay aftidii madaxbannaani ee 1-dii bishan.

Taliye kale oo ka tirsan ciidamada Catalan iyo laba qof oo u ololeeya madax-bannaanida ayaa sidoo kale su’aalo la weydiinayaa.
Aftidii Catalan ee Axaddii tagtay, waxaa lagu tilmaamay mid ka dhan ah sharciga Spain. oo dhageysiga
dacwadda ayaa ka socoto maxkamadda dembiyada ee magaalada Madrid. Eedaha loo haysto waxaa ka mid ah, in ay ka hortagi waayeen dibadbaxyo Barcelona ka dhacay 20-kii Sebtembar.

Wargeys si aad ah loo aqristo, El Pais, ayaa sheegay in eedaha ka dhanka ah Mossos ay yihiin kuwa dhaafsiisan dimuquraadiyadda Spain.
Dembiga fallaaganimada ee sharciga Spain wuxuu ahaa mid adag, tan iyo 1822. Qofkii uu ku cadaadana waxaa lagu xukumayaa illaa 15-sano oo xabsi ah.

Dhowaan ayay ahayd markii Mossos lagu amaanay tallabada degdegga ahayd ee ay kaga hortagaeen koox Islaamiyiin ahaa oo qaaday weerarkii Barcelona ka dhacay bishii August.
Dowladda gobolka Catalan ayaa sheegtay in maalmo gudahood ay ku dhawaaqi doonaan madaxbannaani rasmi ah.
Shalay, Maxkamadda dastuuriga ee Spain ayaa joojisay in ay kulmaan golaha baarlamaanka ee gobolka Catalonia, kuwaas oo doonaya in ay ku dhawaaqaan madaxbannaani rasmi ah.

Maxkamadda ayaa sheegtay in tallaabada noocaas ah “ay xadgudub ku tahay dastuurka”.
Xilli sii horeysay, Ra’iisul Wasaare Mario Rajoy ayaa uga digay dowladda gobolka in ay ku dhawaaqdo madaxbannaanida ka dib aftidii lagu murmay ee Axaddii.
Hoggaamiyaha Catalan, Carles Puigdemont, ayaa muujiyay in shaacinta rasmiga ah uu ka sheegi doono kullanka baarlamaanka ee isbuuca dambe.
Go’aanka maanta, maxkamadda Dastuuriga waxay taageertay xisbiga Hanti-wadaagga ee Catalonia oo ka soo horjeeda kala go’idda
Dadka qabanqaabiyay aftidii Axaddii ayaa sheegay in dad gaaraya boqolkiiba 42 ay codeeyeen, taas oo u dhiganta 2.2 milyan oo qof in ay aftida ka qeybgaleen.
Waxay sheegeen, in 90 boqolkiiba ay u codeeyeen madaxbannaanida, balse weli maysan baahin natiijada rasmiga ah. Waxaa jiro warar sheegaya “wax is-dabamarin”.

Waxaa rabshado ka dhaceen xarumaha qaar ee codeynta ayadoo booliska ay xoog uga hortageen in dadka qaar codeeyaan.
Waxay qabteen sanaadiiq codeyn, waxayna xireen xarumo lagu codeyn lahaa. Sidoo kale, waxay kala ceyriyeen dad codkooda dhiiban lahaa, ayagoo u hogaansan go’aan maxkamadeed oo lagu mamnuucay tallaabadaas.