Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Saturday, 20 April 2024

Dawlada Fedaralka Oo Taraq Ku Tuurtay Halkey Googoshu U Taal Sharif Xasan .. Mooshinkii Shariif Oo La Sheegay Inu Gaba-Gaba Maraayo

Saturday - October 7, 2017


Warar dheeraad ah ayaa waxa uu kasoo baxayaa Mooshin ay Xildhibaanada Koonfur Galbeed ka diyaarinayaan Hogaamiyaha Maamulka Shariif Xasan Sheekh Aadan.

Wararku waxa ay sheegayaan in Mooshinka socda xoogiisa lagu diyaarinaayo magaalooyinka Baydhabo, Muqdisho iyo Degmada Afgooye oo ay ku sugan yihiin Xildhibaano laga mamnuucay iney tagaan amase shir ku qabtaan Baydhabo.

Xildhibaanada ku sugan magaalada Muqdisho oo tiro aan yareyn lagu sheegay ayaa dhawaan laga mamnuucay inay u socdaalan magaalada Baydhabo, waxaana la xaqiijiyay inay yihiin kuwa ugu miisaanka culus.

Ilo ku dhow dhow Mooshin wadayaasha ayaa sheegaya in Xildhibaanada is diiwaan galiyay ay gaarayaan ilaa 38 Xildhibaan, halka ay jiraan Xildhibaano kale oo wada hadal kula jira dawlada dhexe, laakiin aan weli gudbin liiskooda.

Hogaamiyaha Maamulka Shariif Xasan Sheekh Aadan, ayaa walaac gaara ka muujinaaya inuu xal u waayo Mooshinka ku foorara, iyadoo shakiga ugu weyn uu yahay mid muujinaaya in dowlada Somalia ay qeyb ka tahay mooshinka.

Si kastaba ha ahaatee, waxaan la xaqiijin karin sida Hogaamiyaha Maamulka uu ka yeeli-doono Mooshinka la doonaayo in xilka looga qaado.