Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 19 April 2024

Xildhibaan Cabdi-Weli Qanyare: Taladi Wadanka Waxay Gacanta U Gashay Agaasimaha Guud Ee Madaxtooyada Fahad Yaasin Oo Aan Cidna Dooran .. Furuq Haddu Yimaadana Waraabow Waa Fara Leef

Monday - October 9, 2017




Xildhibaan Cabdi-Weli Qanyare oo ah xubin ka mida guddiga difaaca ee Barlamaanka Fedaraalka Somaliya ayaa sheegay in Taladi dalka ay la wareegeen koox argagixiso Shabaab ah oo aaney shacabka Somali dooran.

Xildhibaan Cabdi-Weli Qanyare oo Qoraal kooban soo dhigay barta uu ku leeyahay baraha bulshada Twitterka ayaa ku soo bandhigay oo Adeegsaday Ereyadaan oo u ku sifeeyey kooxda Villa Somaliya ka arimisa : Furuq Haddu Yimaado Waraabow Waa Faro Ku Leef.

Xildhibaan Qanyare ayaa ka dhawaajiyey dareenka walwalka leh ee shacbiga Somaliyeed ka aamisan-yihiin khatarta siyaasadeed iyo mida amni ee ka imaan-karta kooxda ka talisa Villa Somaliya ee u madaxa ka yahay agaasimaha guud ee Madaxtooyada Fahad Yaasiin oo lagu xariiriyo inu gacan saar la leeyahay kooxda al-shabaab ee ka dagaalanta Somaliya iyo Dawlada Qatar oo faragalin baas ku haysa siyaasada murugsan ee maanta ka socota somaliya