Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Saturday, 20 April 2024

Uhuru Kenyatta Oo Yiri: Waryaa Ina Odingow Reer Aan Kula Marataba Ahayn Baad Maag Leedahay .. Mucaaradka Kenya Oo Weli Diidan Inay Doorasho Dhacdo

Monday - October 9, 2017


Dalka Kenya weli waxaa ka taagan muran u dhaxeeya muaacaradka iyo isbahaysiga Jubilee. Mucaaradku NASA ayaa waxaa ay dalbanayaan in isbadal lagu sameeyo xubnaha gudiga doorashooyinka oo ay leeyihiin waa in la bedelaa qaar ka mid ah xubnaha guddiga doorashada.

Sidoo kale mucaaradku waxay ku baaqeen banaan-baxyo looga soo horjeedo qaabka ay wax u wadaan guddiga doorashada, balse dowladda ayaa ku adkaysanaysa in isbadal aanan lagu samaynin gudiga doorashooyinka oo sidooda loo daayo.

Rabshado ayaa ka dhashay banaanbaxyo dhowr toddobaad ee la soo dhaafay ay dhigeen mucaaradka Kenya, kuwaa oo ka dhacay magaalooyinka ugu waaweyn dalka, waxaana doorashada ku celiska ah loo ballansan yahay inay dhacdo 26-ka bishan Octobar in la qabto.

Waxaana dalka ka socda ololoe xoogan oo ay wadaan isabahaysiga Jubilee ee madaxweyne Uhuru Kenyatta. Maxkamadda saree ee dalka Kenya ayaa waxba kama jiraan kasoo qaaday doorashadii dhacday bishii Agoosto, ka dib markii la sheegay in wax la isdaba mariyay. Cabsida ugu weyn ee la qabo ayaa ah in mucaaradka ay ka baaqsadaan doorashada inay ka qayb galaan.