Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 25 April 2024

Shirqoolo Iyo Miino Qarsoon Oo Khalqigi Mogdisho Lagu Qoor-gooyey .. Warkii Ugu Dambeeyey Ee Khasaaraha Ka Dhashay Qaraxi Mogdisho

Saturday - October 14, 2017


Warar dheeraad ah ayaa waxa uu kasoo baxayaa weerar ismiidaamin ahaa oo ka dhacay isgooyska Zoobe ee bartamaha magaalada oo ah isgooy aad u mashquul badan.

Wararku waxa ay sheegayaan in ugu yaraan inta la hubo 60  Qof ay ku dhinteen weerarka ismiidaaminta, waxaana dhaawacu uu kor u dhaafayaa 100 qof.

Meydadka ugu badan ayaa ku hoos jira dhismooyinka ku yaalla Isgooyska, gaar ahaan kuwa ganacsiga.

Wararka aan heleyno ayaa sheegaya in qaraxa uu ka dhacay meel ku dhaw Isgooska Zope, waxaana xiligan halka uu qaraxu ka dhacay ka taagan jahwareer aad u xoogan, waxaana laamiga Isgooska Zope daadsan meydadka dad badan oo dhintay.

Muuqaal laga soo duubay goobta uu qaraxa ka dhacay ayaa muujinayay qiiq iyo uuro madow oo cirka isku shareeray.

Gaariga Qarxay ayaa la sheegay inuu ahaa Gaari Xamuul ah,waxaana lagu sheegay inuu ahaa TM laga soo buuxiyay Waxyaabaha Qaraxa.

Dhismaha hoteelka Safari ayaa lagu soo waramayaa in uu dumay, waxaana la sheegayaa in dad badan ay ku hoos jiraan burburka.

Sidoo kale wuxuu burbur soo gaaray xafiiska bisha Cas oo ku yaal meel aan ka fogeyn goobta uu qaraxa ka dhacay.