Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 25 April 2024

Dhambaalo Qunbulada Ah .. Farmaajo Oo Lagu Qoray Buuga Khasaaraha " Loss Account "

Wednesday - October 18, 2017


Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa isagoo dhirif ku fogaaday iyo codkiisi xiin-finin fariin lama filaan ah u diray siyaasiyiinta iyo dadka kasoo horjeeda dowladiisa, wuxuuna uga hadlay xaalada Siyasadeed ee dalku maraayo, isla markaana u doonaayo inu noqdo nabadoon oo usan ku ekaan madaxweyne qura.
Madaweyne Farmaajo ayaa hadalkiisi ku daray in waxaa lagula diriraayo oo xuuxda loo hayo ay tahay kursiga u ku fadhiyo iyo xukun-doon, balse isagu shakhsiyan door bidaayo inu afarta sano xukunkiisa ku ekaan-doono oo usan mar dambe tartameyn, taaso u ku tilmaamay iney tahay qiil lagu kala bogsan-karo oo looga hari-karo madaxtinimadiisa afartaas sano ku eg kana codsaday ummada somali iyo mucaarad-kiisaba iney codsigaas la qaataan

Faalo Kooban:
Guud ahaan shacabka Somaali gudo iyo dibad ayaa warka Farmaajo aan soo dhaweyn oo la yaabay waxa farmaajo illa heerkaas hoose cabaad kaga dhamaaday, waxaana halkaa dadkii warkiisa dhageystay ku noqotay arax-jab iyo dhar-baaxo kulul aan horay looga baran hogaamiyaashi dalka soo maray, waxaa shacabka markiiba u muuqatay in wixii looga sheegi-jiray Farmaajo ee ahayd: Haldoorkii dheemanka ah aan Qalbigiisa baqashada aqoon iyo bir-labkii aan liicin wax kasta oo ku dhaca, isla markaana lagu si tilmaamay inu yahay af-hayeenkii gobanimada iyo haadka keli ah ee ka duula hawada somaliya, balse hadda sida ay yiraahdeen Beeney jilbaha dhigo oo waxaa u cadaatay in guducur la guday, oo sheekadaas iyo beentaa la qurxiyey ay isa soo gabtay .. Waxay qaarkood ku taaheen in Farmaajo haduba sidaan liidata wax ku xod-xodanaayo ma muuqato rajo ka soo socota in dalka mixnada u ku jiro ka baxo, 

Shacabka oo warkaas ka guuxay, ayaa cod dheer ku yiri; Mudane madaxweyne Farmaajow Oday weyn oo cabaada laga fiican ee warkaaga iyo kitaabka xirsiga aad hoosta kala soo baxday iyo sida Somaali maanta tahay iyo inaad nabadoon-nimo dalka ku hogaamineyso Waa Hal Bacaad Lagu Lisay oo fikirkaas ma aha mid kaa gadmaaya amase meel ku gaarsiinaaya 

Mudane Farmaajow ha is oran sax baad tahay oo ma shaqeyneyso Qol madow baan ki jiraya, Buste baan isku dadaya iyo Nabadoon-nimo baan ku shaqeynaya ee Kursigana ha la ii daayo inti Afar sano ah aan daawade, Taas cid kaa yeeleysa ma jirto oo Ogow haddi aad saas ku shaqeyso in aad dariiqi seegtay ee fadlan ka bax jawiga daciifnimada lagu kabaayo Aamusnaanta oo la soo shir tag geesinimo, hogaan adag iyo amar bixin si xaq ah u dheeli-tiran Ee ha la imaan jiljileec, qalqalooc iyo wax aan loo fadhin .. in badan ayaa daraasad looga tala bixiyey xaqiiqada dhabta ah ee looga bixi-karo dhibka maanta somaali haysata, kumana jirin tala bixintaa la isla qaatay in Somaalida oo u badatay dabeecadaha dugaag-nimo balse ka sii liita lagu xukumi-karo qabow iyo nabadoo-nimo .. Somalida maanta oo intooda badan Qadaadka indho ku leh, dhuuni la tagay ninkii aan gacan adag ku qaban, dhengad karbaash ku dhufan uma yaqaanin Dirac mana xukumi-karo. sidaa daraadeed markaan guray cabashada Ra'yiga bulshada wuxuu yahay in madaxweyne Farmaajo xisaabta inu dib u rog-rogo oo duruufaha dhacaya waqtigaan ee dulun-dulceynaya bal isagu marka hore is-galaafan oo usan garabsan nacasyo Caano u barxa .. Fadlan dhambaalku wuxuu yahay ha quusan oo ha noqon Saabuun xoor laga waayey, ee Maskax iyo Garaad gun-weyn la soo shir tag waxna ku go'aanso, haddi kale Ogow inaad Garaaceyso Durbaan haragi ka qoyey oo aan shanqar lahayn. dabadeedna cawaaqib-keeda leefi-doontid .. mana jiro jaanis haray oo markale lagu khaldo shicibka banaanka waran ee qaraxyada Qunbuladaha ah halakeeyeen.
                            Tifaftiraha Website-ka Galdogob Times .. [email protected]