Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Wednesday, 24 April 2024

Breaking News .. Hogaamiyaasha Itoobiya Iyo Ugaanda Oo Digniin Culus U Gudbiyey Farmaajo

Monday - October 23, 2017


Warar laga soo xigtay illo Diblomaasiyeed oo itoobiya ku sugan ayaa sheegay in madaxa Ugaanda iyo itoobiy ay fariin adag u gudbiyeen madaxweyne Farmaajo, farintaa ayaa nuxurkeda ahaa inu maamul goboleedyada la shaqeeyo, xaliyana mushkilada labada dhinac u dhaxeysa, waxaa kaloo lagu wargaliyey in laga maarmaan tahay inu ka fogaado wax kasta oo xasaasiyad qabiil abuur-kara.

Waxay kalo sheegeen labada hogaamiye in uu jiro walaac weyn oo beesha caalamka ka qabto shakhsiyaadka ku dhaw isaga oo caqabad ku ah wada shaqeynta dawlado goboleedyada, shakhsiyaadkaas oo ay ku sheegeen in ay qalalaase ka wadaan maamul gobooleedka weliba kharaj ku bixinaaya in qas iyo xaalad siyaasadeed ay ka dhex abuuraan maamuladaas.

Waxay sheegeen waa labada Hogaamiye (itoobiya-Ugaanda) in dhiiga wiilashooda uu macno la'aan noqon-doono mar haddi hogaamiyaasha Somaalida ay khilaaf iyo qalalaase siyaasadeed waqti ku lumiyaan.
Labada madaxweyne oo ciidamada ugu badan somaliya ka joogaan ayey madaxweyne farmaajo ku wargaliyeen in ay adagtahay in gulfka dagaal ee al-shabaab lagu qaadayo uu guuleysto haddi aysan dawlada iyo maamul goboleedyada yeelan iskaashi buuxa hawgalkana ka wada qayb-qaadan

Farmaajo ayaa ujeedkiisu ahaa in uu baajiyo shir uu midawga afrika isugu yeeri-lahaa dawlada iyo maamul-goboleedyada, laakiin labada hogaamiye ee itoobiya iyo Ugaanda ayaa u sheegay farmaajo in sida keli ah ee shirkaas ku baaqan-karo ay tahay in ay isaga iyo dawlada goboleedyada ay heshiyaan

 Booqashada madaxweyne farmaajo ma ahayn mid isaga ka timid oo sida uu sheegay ku doonaayey in labada dawladeed gacan ka siiyaan gulufka dagaalka ee ka dhanka ah al-shabaab, ee waxay ahayd in ay dawladahaasi digniinti ugu danbeysay ay farmaajo u gudbiyaan.