Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 29 March 2024

La Jiifiyaa Banaan La Joojiyaa Banaan .. Fikir-Diimeedkii Xag-jirnimada Wahaabiyada Lagu Fulin-Jiray Danaha Boqortooyada Sacudiga Oo..

Wednesday - October 25, 2017


Dhaxal sugaha boqortooyada Sacudi Carabiya ayaa balan qaaday in uu ku shaqeynayo soo celinta waxa uu ugu yeeray islaamka qunyar socodka ah oo u la dagaalami-doono Xagjirnimada fikirka wahaabiyada.
Dhaxal sugaha, Maxamed Bin Salmaan, oo ka jawaabayay su’aal lagu weydiiyey xaflad maalgashi oo ka dhaceysay magaalada Riyadh, ayaa sheegay in ay jiraan isbedel laga sameeyay xaga xag-jirnimada sanadihii 1979-kii, laakiin si fiican uma dhaqan galin, balse hadda saraakiisha amniga ay ka takhalusi- doonaan mustaqbalka dhaw haraaga bidcada xagjirnimada ee la siyaaseeyey

Maxamed Bin Salmaan ayaa sidoo kale sheegay in Sacudi Carabiya waqti isaga lumin-doonin 30-ka sano ee soo socda wax ka Qabashada afkaarta wax burburinaya.

Dadka ka faaloodo arrimahan ayaa u arka dhaxal sugaha in uu yahay maskaxda ka dambeysa dhowr isbadel oo dhawaanahan lagu sameeyay dhanka dhaqaalaha iyo arrimaha bulshada. iyado dhawaan haweenka Sacudi Carabiya laga qaaday xayiraad laga saaray wadida gawaarida, isla markaana xabsiga loo taxaabay wadaado gaaraya illa kun oo xaga xagjirnimada ku fogaa. waxaa sido kale idaacadaha loo fasaxay in barnaamij-yadooda ka baxa idaacada ay shidi-karaan muusikada iyo heesaha sida fanaanada Umu-kaltum iyo wixi la mida .. waxaa kalo la amray in loo ciido maalinta wadanka iyo calanka 

Dhaxal-sugaha Maxamed Bin Salmaan ayaa loolan adag ugu jira sidi u ku meel marin-laaha inu xilka dhaxalka soo dadajiyo, laakiin waxaa caqabad ku ah familka boqortooyada oo intooda badan diidan tilaabooyinka afduubka u sameeyey una arka inusan geyin amase qaadi-karin xilkaa, awoodna u lahayen una qalmin, 
Familka Boqrtooyada ayaa qaba in maxamed Salmaan u isu qaatay inu yahay rux muhim ah oo qaadi-kara xilka dhaxalka, laakiin mucaaradkiisa ay u arka inu yahay wiil yar oo aan garasho lahayen, isla markaana aqoon ku filan usan lahayen, dadnimana dibada ka ah 

-------------------------------------------------------
Dhaliilaha inta badan loo soo jeediyo culimada Sacuudiga waxaa kamid ah:
1) in fikirkaasi culimadiisu ay dawlada Sucuudiga ku taageeraan Gar iyo Gardaroba. Marar badana ay soo saaraan Culimadaasi Fatwooyin u adeegaya danaha Boqortooyada Sucuudiga; sida Fatwadii caanka ahayd ee "waa loo adeegsan-karaa xoraynta Kuwayt kaalmada ciidamada Maraykanka, waana la soo dejin karaa dhulka la jaar ah Xaramaynka" waxay kalo fatwo ka bixiyeen cunaqabateynta Qadar oo ay ku baaqeen iney tahay waajib sunada ku qotanta.
2) Waxaa lagu eedeeyaa Culimadaas inay Boqortooyada dhigeen halkii Khilaafada Islaamka oo ay faafiyaan fikir taas u adeegaya.
3) Waxaa iyana lagu eedeeyaa inaanay Ictiraaf-sanayn Culimada kale ee wadamada Caalamka Islaamka.
4) Waxaa kaloo lagu eedeeyaa inay dawlada Sucuudiga iyo Culimadeedu faafiso Mad'habta Xambaliga iyo fikirka Wahaabiga.