Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 28 March 2024

Wiil Dhallinyaro Ah Oo Helay Kitaab Qur'aan Oo Ah Kuwi Ugu horeeyey Taariikhda Ee Gacanta Lagu Qoray Kuna Diiday Inu Ku iibiyo 120 Malyuun

Thursday - October 26, 2017


Nin dhallinyaro ah oo u dhashay waddanka Yeman ayaa diiday in uu qiimo khayaale ah oo malaayiin lacag ah ku iibiyo nuqul Kitaabka Qur’aanka Kariimka ah oo lagu tilmaamay mid ka mid ah kutubtii qur’aan ee taariikhda ugu horraysay oo gacanta lagu qoray qarnigii labaad ee Hijriga kaasi oo la sheegay in uu ka helay god-buureed ku yaalla buuraha ku teedsan magaalada Daalic.

Sida uu ku soo warramayo wargeyska Alqabas, Wiilkan oo ka soo jeeda Deegaanka Daalic ayaa saxaafadda hor keenay nuqul kitaab ah oo duug ah oo ay la xaqiijiyey in uu ka mid yahay kutubtii qur’aan ee gacanta lagu qoray kuwoodii ugu horreeyey taariikhda Islaamka iyada oo aanu kitaabkaasi lahayn wax dhibco iyo xuruuf ah sidoo kalena bogga hore aanu ku qornayn magaca qofka qoray balse jaldiga sare ay kaga qoran tahay kelmado sidan macnahoodu yahay: “Waxa Lagu Daabacay Gacanta A-lfaqiir Ila-llaah sannadka 200 ee Hijriyada” taasi oo muujinaysa in Kitaabkaasi qof Muslim ah oo aan la aqoonsani uu gacantiisa ku qoray markii ay taariikhda Hijriga ahayd 200 oo sano. 
Arrinka layaabka leh ayaa noqday in wiilkaasi dhallinyarada ah ee kitaabkan qadiimka ah helay uu diiday in uu iibiyo nuqulkaasi kitaabka qur’aanka ah oo ay durba soo codsadeen matxafyo waaweyn oo dunida ahi kuwaasi oo doonayay in ay iibsadaan si ay matxafyadaasi u dhigaan nuqulkan duugga ah ee taariikhiga ah balse wiilkaasi dhallinyarada ah ee Yamaniga ahi waa uu diiday isaga oo sheegay in aanu iibinayn si kasta oo uu ugu baahan yahay lacag uu qoyskooda siiyo maadaama uu ka soo jeedo qoys sabool ah. 

Wargeyska Al-qabas oo warbixintan laga soo xigtay ayaa sheegay in qiimaha illaa hadda loo gaaray wiilkan dhallinyarada ah in kitaabkan gaboobay ee taariikhiga ah lagaga iibsado ayaa dhan 12-Malyuun oo Riyaal oo Sucuudi ah balse waa uu diiday waxaanu sheegay in uu iska haysan doono oo ilaalin doono.
Wargeysku waxa uu sidoo kale xusay in xaashiyaha kitaabkani ku qoran yahay yihiin harag la khafiifiyey oo aad u dabacsan sidoo kalena dusha lagaga shubay walax sida xabagta oo kale ah oo u diiday in uu mudada intaasi le’eg ku yimaaddo wax googo’o ahi waxaanu mudada intaasi le’eg ee ka badan 1200 ee sano ah uu yaallay godkaasi uu wiilkani imika ka helay oo ku yaalla buuraha dhinaca koonfureed kaga dhegsan magaalada Daalic ee dalka Yeman oo ah god buureed goobtaasina tahay goob taariikhi ah oo muddo hore la deganaan jiray.