Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 29 March 2024

Baastarkii Al-Shabaab Ee Weeraray Naasa-Hablood Oo Adeegsaday Kaarka Aqoonsiga Iyo Dharka Nabadsugida Iyo Walaac Laga Muujiyey Arintaas

Monday - October 30, 2017


Wargeyska The Guardian ee ka soo baxa Dalka Ingiriisk ayaa saaka daabacaya in Raggii weerarka ku qaaday Hotelka Naasahablood 2 ay wateen ID-Kaaradda Hay’adda NISA,Dharkooda, sidoo kalena Kaararkaas ay ku qornaayeen Magacyada,Sawirrada iyo xogta dadkaas.

Wargeyska oo soo xiganaya Sarkaal ka tirsan Nabad Sugidda Soomaaliya oo uu Magaciisa ku sheegay Korneyl Axmed Yare,ayaa sheegay in Raggaas ay Ciidamada degaanka ku sugnaa oo dhan ku soo mareen si amaan ah maaddaama ay soo bandhigeen ID-kaarro ay wataan oo muujinaya in ay ka tirsanyihiin Hay’adda sirdoonka Soomaaliya.

“Ma jirto cid cilineysa Askariga wata ID-kaarka ay ku qorantahay xogtiisa,Magaciisa iyo Sawirkiisa,Ciidamada Booliskana amar uma heystaan in ay Raggaas oo kale cliyaan”ayuu yiri Axmed Yare.

Ugu yaraan 27 Qof ayaa ku dhimatay weerarkii ka dhacay Naasa-hablood 2 iyada oo ay sidoo kale ku dhaawacmeen dad kor u dhaafaya 30 Qof.

Kulan ay shalay yeesheen Golaha Wasiirrada Soomaaliya waxaa ay Shaqadii uga eryeen Taliyayaashii Booliska iyo nabad Sugidda,iyada oo shaqo ka ceyrintaasna lagu sheegay in ay tahay isla xisaabtan.

Adeegsiga ID-kaarrada iyo Dharka Nabad Sugidda Soomaaliya ee ay adeegsadeen Al-shabaab ayaa wlaaac hor leh ku sii kordhineysa heerka ay gaarsiisan tahay xaqiijinta amniga Soomaaliya.

Wargeysku waxaa uu sheegayaa in eryidda Cabdullahi Maxamed Cali Sanbaloolshe oo ahaa Taliyaha Nabad Sugidda Soomaaliya ay ka dhalatay maqaal uu dhawaan ku qoray Wargeyska Newyork Times, kaas oo uu beesha Caalamka ku dhaliilayay.

Wargeyska The Guardian ayaa soo xiganaya sarkaal si dhow ula shaqeeya Nabad Sugidda Soomaaliya oo uu magaciisa qariyay kaas oo uu sheegayo in uu la wadaagay xogta shaqa ka saaridda Sanbaloolshe xiriir la leedahay maqaalka uu daabacay Newyork Times.