Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 19 April 2024

Astaanta Barwaaqada Iyo Hodoon-tooyada .. Jufada Reer Xaaji Ee M.Muumin Oo Shaaca Ka Qaaday U Diyaargarowga Munaasabada Caano Shubka Ugaaska Beesha Tanade/Lelkas

Saturday - November 11, 2017


Iyado la tix-raacayo Qaab dhismeedka Bulshada beesha Tanade iyo iyado Tol walba u leeyahay hanaanka Madax-dhaqmeedkiisa gaarka u ah iyo guud ahaan sida boqortoo-yooyinka lagu yaqaan dhaxaltooyo ku saleysan oo geeri ka dib inanka u Aabihiis uga haro, arimahaas iyadoo la tixgalinaayo waxaa shir guud wada qaatay jilibka amase lafta ku abtirsada Maxamed Muumin gaar ahaan jufada Reer Xaaj oo ay ka muuqdeen rag qoor-iyo xero leh. Rag aan damiirkooda cid kale amaahin oo afkoodu iyo uurkoodu aanay kala taganeyn u hilawsan iney arkaan Ugaaskooda oo la caleemo saaray. shirarkaaso siyaabo kala duwan iyo goobo la kala joogo ka dhacay ee cariga qurbaha sida Ameerika, Yurub Iyo Kanada, waxaa si gaara kaalinti ay ku lahaayeen iyo wixii hawshooda ahayd loogu gorfeeyey qaabka ugu haboon ee ku dhaci-karo maamuuska munaasabada Cano shubka ee ah astaanta Barwaaqada iyo hodan-tooyada Ugaaska Tol-weynaha doortay ma iishe Ugaas Maxamuud Ugaas Axmed Ugaas Maxamed oo ah nin da'yar hasa-yeeshe culus oo aan fudeydkii dhallin-yaranimada ka maqantahay

Jufada oo si guud talo ugu go'aansatay in Dar-dar la galiyo caleemo saarka Ugaaska kol hore la Baayacay Ugaas Maxamuud Ugaas Axmed, waxay isku ballansadeen in sida ugu dhaqso badan magalada lagu xasuusto Nabada ee Galdogob lagu caleemo saaro loona sameeyo damaashad iyo dabaaldag, waxayna gabagabo isku wada raaceen in jufada Reer Xaaji Qaab Qaaraan iska aruuriso 50.000 oo Dollar oo sidaan socota loo aruurinaayo .. 200 qof reer Xaaji ah oo bixiya min 200 doolar. "200x200= 40.000"  halka 10 Qof lagu qoray Min 1000 Dollar .. 10x1000= 10.000 Dolar, sidaa oo kale jufada guda jooga ay iyaguna xoolo key tahay Geel iyo Ari isku qoraan .. Guud ahaan isku Dar qybta qurba jooga laga rabo waa 50.000 doolar, waxayna sida la isla gartay ku dhaceysa xisaabta amase accuntiga Ugaaska (isaga soo sheegi-doona halka ay ku soo dhaceyso)

Jufada Reer Xaaji oo sida dhaqanku yahay afkooda laga sugaayey dhaqaajinta barnaamijka caano shubka Ugaaska, waxay marka hore aad iyo aad u salaamayaan Tol-weynaha aan ka mid nahay ee qiimaha iyo qaayaha leh .. waxaana halkaan idin la socodsiineynaa go'aanka Reer Xaaji la isku raacay oo ka mid ahaa sida dhaqanka u yahay in barnaajikaas iyo go'aanka calemo saarka Ugaaska ay u soo gudbiso Tol-weynaha beesha Tanade oo sida la ogyahay daacad u ah meel-marinta amase aan ahayn Rag sandareerto lagu sabin maalintii ay xiniinyo taabad joogto aan u dabcin doorashadi horay u dhacday iyo tan maanta joogta ee caleemo saarka Ugaaska si kaalinti ay ku leeyihiin ay iyaguna uga qayb qaataan maamuuskaas, sidaa awgeed la socodsiin ku socota tol-weynaha iyo jufa-kasta oo ka mida tolka waxaa laga sugaya is diyaarin iyo go'aan ay munaasabadaas kaga qayb-qadanayaan.

Gabagabo Guud ahaan Ummad Umad-nimadeeda waxaa laga daya Reerku hogaan dhaqan ma leeyahay, oo haddi ay leedahay hogaan dhaqan waxaa hubaal ah iney Ummadu wanaag-sanaaneyso hadise hogaan la ixtiraamo jirin , waxaa iyadana sidaa la mida xumaanaya Ummadaas oo qiimaha iyo maratabada ay ku lahayd blshada somaaliyeed ayaa hoos u dhaceysa .. Sidaa waxaa la mida culimada oo iyagu ah dhaxalkii Nabiyada Oo Hogaan caqiido diineed ka yihiin.

Ugu Dambeyn Waxaan Ugaas Maxamud ugu ducaynayaa in ilaahay ka dhigo kii beesha iyo beelaha ood-wadaagta nahay ururiya ilaaahayna Taladiisa ha dhigo mid tolkiisa ay ku liibaan, ceebna ha ka asturo xilka uu qaaday awgeed,