Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Saturday, 20 April 2024

Sababta Keentay Iney Drs Maryan Qaasim Iska Casisho Xilki Wasiirnimada

Wednesday - November 15, 2017


Wasiirkii Gargaarka iyo Maareynta musiibooyinka xukuumadda Soomaaliya Maryan Qaasim Axmed ayaa ku dhawaaqday inay xilkii ay u heystay dowladda iska casishay laga bilaabo maantana ay shaqada isaga tagtay.

Haddaba waxaa durba la is waydiinayaa sababta keentay inay is casisho, inkastoo ay iyada ay ka hadashay sababta haddana si faahfaahsan ugama aysan hadlin, hasa ahaate Wasiir Maryan ayaa xaqiijisay iney xilkaasi isaga casihay is-bar bar yaac ka dhex jira dowladda Soomaaliya, oo aysan macneyn waxa uu yahay.

“Aniga hay’ad dhisan ha ahaato mid dowladeed iyo mid kaleba waa ka shaqeyn karaa, laakiin waa ay igu adag tahay inaan ka shaqeeyo meel isku dhex yaac uu ka jiro” ayay tiri Maryam Qaasim.

Hadalka Maryan Qaasim kasoo yeeray ee ahaa (Isku dhex yaac) ayaa muujinayo in lagu soo farageliyey shaqadeeda isla markaasna aan loo madax banaaneyn howlaha Wasaaradeeda.

Xog ayaa sheegeysa in wasiir Maryan muddooyinkii danbe muran kala dhaxeeyay Ra’iisal wasaare Kheyre iyadoo shaqadii wasaaradeeda loo dhiibay guddiyo, isla markaana uu sii xumaaday xiriirka kala dhaxeeya Ra’iisal wasaaraha. iyadi sida ay sheegtay Wasaaradda ay madaxda ka aheyd ayaa laga ilaaliyey dhammaan shaqooyinkii khuseeyeyey, wuxuuna Ra’isulwasaare Kheyre u xil saaray Shaqadeeda Guddi, taasoo keentay inay Wasiirada weyso wax ay qabato.

Maryan Qaasim ayaa Kheyre kala kulantay duulaan, qaniiyo iyo cadaadis badan oo xagga shaqada ah, waxayna dhawr jeer ka cabatay arrintaas sida ay xaqiijiyeen Shakhsiyaad aad ugu dhow Wasiir Maryan.

Caburiska lagu hayey Wasaaraddaas ayaa waxaa tusaalaheeda kamid ah in laga ilaaliyey inay maamusho gargaarkii dalka la keenay, weliba si gaar ah markii ay dhacday Musiibadii Isgoyska Zoobe markaas oo dalal badan ay keeneen raashin badan oo ay aheyd in lagu wareejiyo Wasaaradda isla markaasna ay iyadaa maamusho, waxaase dhacday inuu Kheyre u magacaabay guddi ka madax banaan wasaaradda Gargaarka.

Illo wareedyo ku dhow dhow Wasiir Maryan ayaa noo xaqiijiyey inay ku dooday inaysan wax shaqo ah qaban muddo badan, aysana jirin sabab ay xilkaas usii heyso.

Is casilaadaan ayaa dhibaatada kusoo badin doonto Xukuumadda Xasan Cali Kheyre, waa Wasiirkii labaad ee iska casishay Xukuumadda Kheyre muddo labo bil gudahood.

Is casilaadan ayaa soo dedejin karta isku shaandheyn lagu sameeyo Golaha Wasiirada oo muddooyinkii u dambeeyay xaalado adag soo wajahay