Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Saturday, 20 April 2024

Galkey Siibatay Ableydi Farmaajo .. Gudoomiye Jawaari Ee Nacam-leyn jiray Oo Markaan Ku Jira Xaalad In Sidi Wanka Loo Shiisho

Friday - November 17, 2017


ilaa shalay waxaa si xoog leh isu soo taraya hadal-heyn iyo guux ku saabsan mooshin ka dhan ah Guddoomiyaha Golaha shacabka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari, iyadoo saacadihii la soo dhaafay arrintan ay hareysay goobha bulshada iyo gaar ahaan xafiisyada madaxda dowladda.

Sida xogta la helay sheegeeyso waxaa la ogaaday in xildhibaanada sida gaarka ugu lifaaqan xafiiska Madaxtooyada iyo Raiisal wasaaraha ay wadaan qalqaalis mooshin lidi ku ah Mr. Jawaari, isla markaana diyaar garowga uu yahay mid bilow ah oo la doonayo in maalmaha soo socda la shaaciyo. laakiin war la soo xigtay ayaa oranaaya waxaa illa hadda is qoray 30 xildhibaan oo rabta in Jawaari goobta baneeyo

Wararka qaar ayaa sheegaya in mooshinkan lagu soo beegi rabo dhamaadka todobaadka dambe ee soo socda oo qorshuhu yahay in Golaha shacabka la horkeeno warbixinta Guddigii loo xilsaaray baaritaanka go’aankii Xukuumadda ka qaadatay dhiibistii C/kariin Qalbi Dhagax oo bishii August loo gacan geliyay Itoobiya.

Si kastaba ha ahaatee, Guuxa iyo dhaq dhaqaaqyada socda ayaa waxay banaanka soo dhigayaan kala shaki cusub oo soo kala dhex gala Madaxda dowladda, waxaana arrinta la wado ee mooshinka Jawaari ay horseedi doontaa mowjado siyaasadeed.