Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 25 April 2024

Korneyl Muuse Biixi Oo Cadeeyey Waxa U La Maagan-yahay Kaadariinta Xisbiga Kulmiye Iyo Naxdin Iyo Amkaag Ragi Kiishaska Sii Toshay

Sunday - November 26, 2017



Nin la oran jiray Xajaaj Binu Yusuf ayaa dawladii Umawiyiintu u soo dirtay Ciraaq markii ay mucaarad ku noqdeen maamulkoodii. Wuxuu wajiga iyo madax ku soo duubtay cimaamad si aan loo garan. Masjidkii kuufa ayuu mimber-kiisa fuulay dabadeed khudbad cajiib ah ayuu halkaa ka jeediyey. Waxaad i aqoosan-doontaan marka aan cumaamadayda iska qaado.  Waxaan arkayaa luqumo dhaadheer iyo madaxyo bislaaday oo gaaray waqtigii la goosan lahaa, waana aniga cidi goosan lahayd madaxyadaas. Dabadeed cumaamada ayuu iska tuuray seefitii uu ku jeeniqaarnaana galkii ayuu ka saaray. Waa lakala yaacay! Maxa dhacay?

Muuse Biixi shalay ayuu cumaamadii iska tuuray sidii Xajaaj wuxuu isku hadoodilaba. Waa khudbadiisii u horesay ee waxa uu maagan yahay ku cadeeyey. Waxaanu ku yidhi kaadiriintii reer Kulmiye ee miliqsaneysay wax aan ka farxin : Isagoo sidii awr baarqab ah ilqoodha ka eegaya ayuu yiri, waxaan arkayaa rag badan oo fartooda eersan doonta aniguna diyaar ayaan u ahay arintaas. Iga helisamaysaan waxaad u barateen ee malafsiga iyo boob iyo musuq-maasaq ahaa ee aad ku walafteen. Ladagaalanka musuqa waxa ugu horeysa oo aan ka bilaabayaa xisbiga Kulmiye dhexdiisa.  Naxdin iyo amankaag ayay ku noqotay ragii kiishashka sii toshay ee islahaa dhiisha farqiga tuura maanta oo booba hantidada ummadda ee lagu naaxay 7 sano ee Kulmiye ka taliniyey dalka.