Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 19 April 2024

Hooyo Fooq Iska Soo Tuurtay Markii Ay Caro Ka Qaaday Wiilkeeda Oo Soo Guursaday Gabar Gaaban

Sunday - November 26, 2017



Haweenay u dhalatay waddanka Shiinaha ayaa la soo werinayaa in ay fooq iska soo tuurtay kadibna iyada oo dhaawacan ay mar kale u gurguuratay dhinaca webi fooqaasi hoos marayay oo ay isku tuurtay kadibna maydkeedii webiga laga soo saaray iyada oo sababta ay haweenaydaasi isku dishay aad loola yaaban-yahay markii la ogaaday in ay aad uga carootay in wiil ay dhashay uu soo guursaday gabar gaaban oo ay waliba islaantu ku sheegtay in ay fool xun tahay sidaa darteed maadaama ay wiilkeeda la jeclayd gabar dheer oo qurux badan ay sidaa isku dishay oo ay fooqa isaga soo tuurtay.

Qisadan layaabka lihi waxay ka dhacday Gobolka Ningling ee dhulweynaha waddanka Shiinaha kadib markii haweenay Hooyo ah oo lagu magacaabo Jingha Singi oo da’deedu tahay 47 Jir ay isku dishay caro ay ka qaadday markii wiil ay dhashay uu mehersaday haweenay jir ahaan aad u gaaban taasi oo hooyadan ka caraysiisay kadibna ay nafteeda sidaa ku khaarajisay.

Wiilka hooyadani dhashay ee sababta u ahaa in ay hooyadii adduunka ka tagto oo warbaahinta Shiinaha la hadlayay waxa uu sheegay in hooyadii ka xumaatay gabadha uu soo guursaday oo ay ku sheegtay in ay tahay haweenay gaaban oo fool xun kadib uu isku dayay in uu hooyadii ku qanciyo in gabadhan uu soo guursaday dookhiisa tahay ee ay sidaa ku qanacdo, balse nasiib darro aanay hooyadaasi dookha wiilkeeda ku qancin ee ay door bidday in ay is dhisho intii ay haweenaydaasi wiilkeedu soo guursaday ee gaaban ay mar walba arki lahayd.

Markii meydka hooyadan laga soo saaray webiga ayaa wiilka hooyadani dhashay waxa uu warbaahinta u sheegay sidan: “Muddo laba maalmood ah ayaa laga joogaa markii aan soo guursaday gabar aanu muddo kooban is jeclayn. Hooyaday ayaan damcay in aan gabadha u keeno kadib markii ay aragtay gabadhii aan soo guursaday ayay hooyaday aad u carootay waxaanay ii sheegtay in aanay naagtan doonayn oo ay gaaban tahay sidoo kale aanay lahayn weji qurxuun. Waxa aan isku dayay in aan ku qanciyo in ay ogolaato guurka gabadhan ee aan soo guursaday oo ay noo ducayso basle way diidday waxaanay ii sheegtay in ay niyaddeedu burburtay markii ay aragtay muuqaalka gabadhan oo ay ku sheegtay mid gaaban iyada oo sheegtay in ay mar walba ku riyoon jirtay in aan soo guursan doono gabar dheer oo qurux badan. Sidaana ay maalin kadib isku dishay. Waan ka xumahay in aan sabab u noqday geerida hooyaday oo aan aad u jeclaa” ayuu yiri Sechi Wong oo ahaa wiilka hooyada is dishay.