Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 28 March 2024

Sheeko : Subxaana-laah Waar Dabinkii Muxuu Cid Aan Looguba Talagalin Galaaftay

Tuesday - November 28, 2017


Nin baa gurigiisii jiir ku arkay. Si jiirka dhibtiisa uga nasto wuxu soo iibsaday dabin u ku dabo. Jiirkii ayaa arkay dabankii. Markaas cabsi baa gashay oo uu qaylo oodda ka qaaday. Wixii xoolo guriga joogay ayaa ku muusanaabay.
Wuxu ugu horeeyay oo u qayshaday Degaagad. Degaagadii ayuu ku yiri, " Alla hayaay Waa dabin! Waa dabin!" degaadaddii waxay ku tiri, "Dee waa yeelkeed. Ma anaa gelaya dabinka.
Wuu iska dhafay oo Ri ayuu u tegay oo ku yiri: Waa dabin! Waa dabin! Ridi waxy ku tiri: " Waan ka xumahay in dabin laguu qoolay. Hasa yeeshee waxba kuuma qaban karo ee raali iga ahaaw."

Hadana Sac ayuu u tegay. Sacii ayuu ku yiri: " Waa dabin! Waa dabin!." Sacii oo ku jeesteynaaya jiirka argagaxsan ayaa ku yiri: " Dee hadduu yahay waayo. Aniga oo kale dabin looma dhigo ee Baxso adigu yaanad ku dhicin dabinkaase.
Jiirkii oo murugaysan ayaa meel ku gabaday. Ka dibna wuxu maqlay shanqar gurigi ka baxaysa. Hadalkii reerka ayuu dhegaystay. Wuxu maqlay iyada oo la leeyahay, " Mas baa dabinkii galay. Maskiina xaaskii ninka guriga leh ayuu qaniinay oo Dawo iyo in la baanto way u baahantahay.

Ninkii xaaskiisi dawadii ayuu u keenay. Si u baantona Degaagadii ayuu u qalay oo helibkeedii iyo marqeedii siiyay. Hasa yeehee, suntii ayaa xaaskii ku sii fiday oo way sakaraaday. Ka dibna dad badan oo ehel ah ayaa u yimi. Si uu dadka u yimi u sooro, ninki Ridii ayuu u qalay.

Xaaladdii xaaska waa ka sii dartay. Ka dibna waa dhimatay. Dad aad u tiro badan ayaa aaskii ka soo qayb galay. Si cuno loo siiyo dadkiina dibigii ayaa loo qalay.
Jiirkii oo wixii dhacay ka nabad galay sheedana ka daawanayay, ayaa naftiisii ku yiri: Subxaana Laah, Waar dabinki muxuu cid aan looguba talo gelin galaaftay !!!”