Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 28 March 2024

Culimo Is Xilqaantay Oo Caasimada Garowe Kaga Dhawaaqday Gole Kacdoon Wacyi-galin Iyo Ing. C/Xakim Camey Oo Daah-Furay Kana Digay Ciira Isku Qarinta

Friday - December 1, 2017


Madaxweyne ku-xigeenka ahna maalmahaan ku-simaha madaxweynaha dowladda Puntland Eng Cabdixakiin Xaaji Cabdullaahi Cumar Camey ayaa habeenimadii xalay magaalada Garoowe ka daahfuray gole cusub oo loogu magacdaray walaalaynta umadda Soomaaliyeed iyo dabar goynta qabyaaladda.

Golahaan oo ay ku midaysan yihiin culimaa-udiin, aqoonyahano, dhalinyaro, abwaano, ganacsato iyo qaybaha bulshada ayaa ujeedkoodu yahay sidii ay umadda Soomaaliyeed uga wacyigelin lahaayeen qabyaaladda.

Eng Cabdixakiin Cabdullaahi Cumar Camey oo furay golaha ayaa waxa uu si adag culimada iyo shaqsiyaadka kale ee hormuudka u ah ololahaan ugula dardaarmay inay ka dhabeeyaan hadafkooda ayna ka digtoonaadaan cid walba oo dano gaar ah kula soo dhuuman-karta.

“Waxaan culimada ugu baaqayaa inaysan marnaba ka ogolaan cid kale ama shaqsiyaad wata dano gaar ah wata inay kula daartaan ololahaan ujeedooyinkooda gaarka ah”, ayuu yiri Eng Camey.

 Dhanka kalena Camey ayaa sheegay inay soo dhowayn doonaan cidkasta oo wadda wixii ay dani ugu jirto umadda Soomaaliyeed.