Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 18 April 2024

Islaamkii Uluuf Iyo Uluuf Malaayinta Ah Oo Itaal Gabay .. Israaiil Oo Boobtay Dhulki Uduga Ee Al-Aqsa

Wednesday - December 6, 2017


Masjidkii Aqsa ee ahaa Uula-qiblatayn Iyo Xaramkii sadexaad oo ay dacaceen Musllimiinta maanta ayey Yuhuud si buuxda ugu gacan gashay .. Masjidka maalin-kasta wuu noo yeera oo wuxuu yiraa: Yaa Musllimiin Yaa Ummata Muxamed ku Aaway ku Aaway Miyaad ii ilowdeen oo iga tagteen gacmihi Cadawga.
Qudusna waa dhulkii uu Alle barakeeyey laakiin nasiibdaro Masuulliin badan oo Musllimiin ka mida ayaa waxay Yuhuuda rabtay ku gacan siiyey iyagoon is ogayn, amase qaarkood ula kac ku taageereen iney Yuhuudu riyadeedi u hirgasho, taaso ahayd qorshaha boobka Alqudus.
 
Masjidul Aqsaa waa meel ilaahay waardiyeeyo .. Yahuud intay isku tagtay oo damacday inay gubaan 1948(markii ay Palestine qabsadeen) hadana ma'aysan u suuragalin sababtoo ah Subxanuhu Watacaalaa baa waardi-yaynaya oo Carab iyo Muslim kale toonana kama rabto waardiyeen! 

Gurigaan Eebe ee Aqsa oo markii hore Nabiyullahi Sulaymaan dhisay, waa la bur-buriyay oo waxaa bur-buriyay qabqablihi iiraanigi la oran jiray Nebuchadnezzar taariikhdu markay ahayd 586 BC. Hadana waxaa dib u dhisay boqorkii israaiil ee Herod, ka dibna waxaa bur-buriyay Roomaani-yiintii taariikhdu markay ahayd 70 AD .. Boqolaal sano ka dib baa Muslimiin dhistay .. Arag maanta sidu u taagan yahay waqtigii ugu badnayd oo uu dhisnaa. Taasna waxaa sabab u ah diintaan Islamka, oo alle ayaa ilaaliya Kutubkeeda, Masaajidyadeeda. 

Wax kasta oo inagu dhaca(shalay, maanta, iyo beriba) waa wax aan kasbanay .. Alle waa mid dadka waxay ka mutaan siiya, wanaag iyo xumaanba! Ummadeenu waa liidataa maanta, sababtoo ah anagaa ka tagnay diintii Alle oo raacnay gaalo, munaafiqiin aan waxba noohayn(wadaado badan baa waxay aaminsan yihiin in dadkii xadiisyada soo warin jiray ay qaarkood ahaayeen Munaafiqiin Yahud iyo Dhagax-caabudeyaal!) 
Ilaahayow wixii shar ah naga nabad-geli...wixii qayr ahna natus. Dambiyadeena dhaaf, kuwa aan kas u samaynay iyo kuwa aan kama`ba u samaynay. Aamiin!