Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 19 April 2024

Sadaam Xuseen Oo Dhambaal Ugu Baaqay Amiir Maxamed Salmaan Inu Intey Gor-goor-tahay Gacanta Ku Soo Qaadan Sababihi Dili-lahaa

Wednesday - December 20, 2017


Amiirka dhaxal sugaha dalka Sacuudiga Maxamed Bin Salmaan ayaa goor hirta waaberi welina hurda ku si jira ayaa Telefonkiisa Emergency Alarm ku soo yeeray" qalalaaw, qalalaaw" wuxuuna markii hore mooday inu Riyo dhexda kaga jiro, laakiin mar dambe oo Telefoonka qararacdiisi Alarm hari-weyday ayuu kacay oo qabtay isagoo markaas is leh war maxaa dhacay saacadaan Ufta laygu soo kiciyey bisinka, bisinka.

Telefoonkii oo u kor u qaaday ayuu ka dhageystay cod meel dheer ka soo baxaya oo leh: halow, halow Yaa Akhi Maxamed Yaa ibn Salmaan war waa Shahiidkii Sadame Xuseene waan ku salaamaya side adigu tahay? .. Maxamed Bin Salmaan oo hadalka gagabinaaya yaaban oo u qaatay in Mareykanka waagi daldalaadi Sadaam u dunida Riwaayad u dhigay u qaatay in mareykanku nacal ku yaalka ay meel ku qariyeen ayaa salaan ku celiyey oo yiri: Akhi Sadaam xagee dunida ka joogta oo igala soo hadleysa?

Sadaam ayaa inta qoslay yiri: Akhi meesha aan joogo iska ilaw, balse walaal Awalan ila soco oo warka iga gur: Taariikhdu waa tuse, cashar ayaa laga barta, lagu kala garto saxa iyo qaladka iyo Maxsuulka ka soo baxaya sida 4-4=0 4+4=8

Yaa Akhi Maxamed waxaan ku soo wacay inaan talo dardaaran kaa siiyo dabinka Yaxaas-yada kuu miiqayaan iyo Raga ilkaha ku cadeynaaya aad ku faruur xiran-tahay ee dheesha ku tumaaya talada kugu siinaaya inaad dagaal la gasho iiraan .. Yaa Akhi hadaad wax iga maqleyso Kitaabka qumanaha qoorta aad ku sidato iyo khamaarka aad ciyaareyso intey gor gor tahay isaga bax .. Yaa ibn Salmaan arinkaaga waa la garan la'yaha oo waxaad ku jirta lagdan colaadeed iyo xaalad khiyaali iyo inaad fuliso sheydaan go'aankiis.
 
Yaa Maxamed maanta dunida waxaad u sheegtay waxaad tahay siiba inaad u xuub-siibatay xumaha islaamka oo aad shisheeye la qooqeyso .. Yaa Akh ibn Salmaan fadlan ha noqon doqon maqaar saara oo colaad un baafiya una soo xayd-xayta dirirta iiraan, Yaman oo aad itaal aan garaneyn meeshaad kala timid sheeganeyso oo ninkaan xisaabtamin sideyda oo kale wuu dhadhamin qaladkiisa.

Yaa Akh Maxamed wax ka baro qaladkeygi shalay, qiyaasuhuna yey kaa xumaan, qiiradana yey kula fogaan oo ogow hami beena Rag waa ku halaagma oo ninkii sideydoo kale cirka u baxa waa la soo celin .. markaan gaashaanka u daruuray iiraan duufaan dagaal ku qaadayey, food saar waxaan dagaalkaas uga dhigay dariiqooyin diini oo lagu raad-gadanaayey, waxaa dunida oo dhan Bari iyo Galbeed ay ugu horeyso Mareykan iyo Ruush igu taakuleyeen dagaalka aan ku gabagabeyey iiraan, Runtina wax allaale wixii Dab wax guba iyo Doolar aan u baahaday waa la ii siiyey illa aan damiir laawe noqday oo si xun u gumaaday dadkaas islaamka ah, iyado dumarkoodi sawaxmay iyo Ubadkii oo salalay, kuna riday barakac, dhalan-dhool iyo Qax, waxaana isu qaatay inaan gob ku noqonaayo Dal muslim ah gun-nimadiisa, laakiin nasiib daro iiraan waqtigaas aan waxba haysan, shacabkeeda gaajo la qaansoobay xag dhaqaalle iyo xag hub, balse cidiyaha ayey ku dagaalameen waana la loodin-waayey oo anigibaa aakhirkii ii galaafatay, illaa dalkeygi Ciraaq xorta ahaa noqday dam-daguugan.
Hadaba Maxamadow maxaad mooda iiraan oo maanta haysta sawaariikh dhaa-dheer iyo hubka khatarta ah oo waliba saaxiibo badan maanta dunida ku yeelatay, cunaqabateyn-tiina laga qaaday .. Runti hadaad daandaansiga deyn-weyday hawl ku bilaabatay waana khasab inaad la kulmi gantaalo qarxa iyo geeri tarab-tarab ah  ..  Cala ay xaal yaan hadal kugu daalin shiikhow ee Wan Weyni sideyda oo kale ilaa la gawraco indhihiisa cirka ma arkaan iyo ugu dambeyn ma harin hadal la is yiraahdo ee Walaal gacanta ha ku soo qaadan sababihi aad ku bixi-lahayd, oo inta goor-goortahay sidaa isu dhaan .. Alaahu ma Balaqtu, Laakiin Maxamed Salmaan oo intu wada hadalka socday is xajimeyn ku jiray oo hadba noqonaayey da'uuskii isagu is galay ayaa isla markiiba ugu jawaabay oo yiri: Sadaamow, Sadaamow, waa kuu jeeda dulmiga iiraan iyo Yaman baad u hiilineysa, anigu Dahab iyo doolar iyo Gabar durbaan Aroos baan haysta oo Adinkaa Damqanaye koleyba aniga gobanimo dan kama lihi mar haddaan intaas haysta ee Oday nabadey.