Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 18 April 2024

Farmaajo Oo Kheyre Ku Yiri: Wadaadow ila Safka Dambe Xanin-yaha La Is Haysta Ee Ado Xilka Dhaafa Roon Iyo Kheyre Oo Sidi Cawl Wadkeedi Galay Canka Laalaadiyey

Saturday - December 23, 2017


Warar hoose oo illa maanta la isla dhex maraayo magaalada Mogdisho, ayaa afku u batay inu jiro khilaaf is afgaran-waa u dhaxeya farmaajo iyo kheyre, warkaaso dhab ahaantisa sawir ka bixinaaya goobo badan ay ku caweeyaan siyaasiyiinta dalka, isla markaana laga hubsaday xaga xafiiska Raiisal wasaaraha oo la xaqiijiyey inu si caro leh ugu baxay xafiiskiisa dabadeedna u iska aaday gurigiisa oo u halkaas diiday inu cidna la hadlo.
Sida la carbaabayo amase warku nagu soo gaaraayo khilaafka labada dhinac waxaa la sheegay inu markaan salka ku hayo Arinta C/Shakuur iyo weerarkii lagu qaaday gurigiisa oo hawlgalkiisi qabashada khalkhal galisay siyaasadi iyo jiritaanka dawlada
 
Wararka ayaa intaasi ku daray in madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisal wasaare Kheyre marar badan ay iska arkeen arinta C/raxmaan C/shakuur balse isku fahmi waayeen qaabka loo abaaraayo xarigiisa iyo waxa ka imaankara haddi nabadu fadaroowday

Sidoo kale, wararka muhiimka ah ee la helayo ayaa sheegaya in madaxweyne Farmajo oo beryahaan seefta dhulka ka gashay, ogaaday ineysan cidina rabin u saas awgeed markaan damacsan-yahay inuu siyaasadda cakiran ee ka dhan ah Dowladda su u qaboojiyo inuu Ra’iisal wasaaraha is casilo,sidaasina lagu soo magacaabo Ra’iisal wasaare ku heyb ah qolada ku kacsan madaxweynaha Soomaaliya, waxaana la saadaalinaya in mr. Geedi oo beryahaan bac-bacdiisa iyo is maqashis la guuxaya u xilkaas doonistiisa u taagan-yahay.