Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Tuesday, 23 April 2024

Maamulka Xukumada Cusub Ee Somaliland Oo Shuruud Adag Ku Xiray Hirgalinta Saldhigi Ay Imaaraadku Damacsanaayeen Iney Ka Sameystaan Berbera

Tuesday - December 26, 2017


Hargeysa- Maamulka cusub ee madaxweyne Muuse Biixi ayaa ku wargalisay dawladda Imaaraatka in aanay suurtogal noqon-doonin hirgalinta saldhigii milatari ee ay damacsanaayeen inay ka sameystaan xeebta Berbera kaasoo ay fulintiisa ogolaanshe uga haysteen maamulkii hore ee Somaliland ee madaxweyne Siilaanyo.
Ogolaanshaha saldhiggan ayaa la sheegay inu ahaa mid dhinaca Somaliland si haboon uga baaraan dagin balse shakhsiyaad gaara oo ka mida hogaanka dalka uu jujuub ku marsiiyey heshiskaas, Hasa yeeshee maamulka cusub ee Somaliland ayaa hadda u muuqda inuu heshiiskii saldhigii ka daba tagay oo uu ku xiray shuruudo ah in marka hore ay Imaaraatku hirgaliyaan dhismaha wadadii Berbera Wajaale iyo maadaarkii cusbaa ee ay aheyd in Berbera laga dhiso isla markaana ay Imaaraatku wixii wadahadal ah wafdii sare oo rasmi ah u soo diraan Hargeysa.

Dhinaca kale waxa soo ifbaxaya warar sheegaya in Rag ka mida maamulkii Siilaanyo ay dhinaca Imaaraatka ka qaadan jireen lacag malaayiin doolar oo kirada saldhigga ah iyadoo xata alaabta dhismaha saldhiga usoo degta cashuur la’aan lagu soo marin jiray dekadda Berbera.