Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 28 March 2024

Taariikhda Dunida .. Shirqoolo Dil Ah Oo Qaar Lagu Guuleystay Qaarna Fashalmeen .. Jamal Cabdi Nasir, Sharmaarke Iyo Siyaad Bare

Saturday - December 30, 2017


Taariikhda Dunida waxa soo maray isku dayo shirqoolo dil ah oo qaarkood lagu guulaystay qaar kalena fashilmeen oo lala seegay halkii la doonayay kuwaasi oo lagu bar-tilmaameedsaday Madax Caaan ah oo dunida soo martay .. Taariikhda waxa soo jiray shirqoolo loo maleegay siyaasiyiin, Madax, Ganacsato iyo dad caan ah oo kale oo qaarna lagu guulaystay oo la fuliyey qaar kalena lagu guul darraysatay.

Taariikh-yahanadu waxa ay wariyaan qisada Shirqool uu ka badbaaday Madaxweynihii hore ee dalka Masar Jamaal Cabdi Naasir oo in badan oo shucuubta Carbeed ahi u yaqaaneen geesigii Qawmiyadda Carbeed iyo Cadawgii adkaa ee Yuhuudda. 
Taasi waxa keentay marar badan in la isku dayey in shirqoolo siyaasadeed lagu khaarajiyo Jamaal Cabdi Naasir oo wakhtigii uu xukunka hayay in badan oo Shucuubta Carbeed ahi jeclaayeen iyo in badan oo kale ay aad u necbaayeen ad-adaygiisii.
6-kii Oktoobar sannadkii 1954-kii, Jamaal Cabdi Naasir ayaa khudbad ka jeedinayay idaacadda dalka Masar oo si toos ah khudbaddiisa shacabku u dhagaysanayay isaga oo ku sugnaa Barxada Weyn ee Al-manshiya ee Magaalada Al-Iskandariya ee dalka Masar.

Khudbadaasi oo ku saabsanayd dabaal-degga Masar ugu jirtay bixitaankii ay Ciidamada Ingiriisku kaga baxeen Masar, halkaasi oo si kedis ah Jamaal Cabdi Naasir loogu furay rasaas uu ku riday nin lagu magacaabo Maxamuud Cabdi Ladiif oo xubin ka ahaa Xarakada Islaamiga ah ee Ikhwaan Al Muslimiin oo Masar ka aasaasantay dunidana ku faaftay.

Waxa uu Maxamuud Cabdi Ladiif Madaxweynaha ku riday 7 xabbo oo rasaas ah oo aanu mid kali ah hadaf-keedii la haleelin. Goobtii uu Khudbadda ka jeedinayay Jamaal Cabdi Naasir oo dad badani ku xoonsanaa waxa mar kali ah ka dhacay argagax iyo kala yaac iyo xaalad fawdo ah, laakiin Jamaal Cabdi Naasir waxa uu ku qayliyey cod dheer oo uu shacabka ugu baaqay in ay is dejiyaan oo xaaladda daganaansho ku soo dabbaalaan. Waxaana hadaladii uu ku dhawaaqayay ka mid ahaa:
"Qof Kastaa halkiisa ha joogo, Ha dhawaaqina is dejiya. Waar Rogoow is dejiya oo mid kastaa halkiisa ka is taago. Noloshayda idinka ayaan idiin huray. Dhiigayga ayaan idinku furtay. Waxaan u noolahay dartiin. Waxaanan u dhiman doonaa dartiin. Waxaan u noolaan doonaa ama aan u dhiman-doonaa xor-nimadiina iyo sharaftiina. Haddii ay waajib tahay in uu dhinto Jamaal Cabdi Naasir, waxa la idinka rabaa in uu mid kasta oo idin ka mid ahi Jamaal noqdo. Waxaan u noolahay in aan dartiin nafta u bixiyo dalkana aan naftayda u hibeeyo”.

Isku daygii dil ee la doonayay in lagu khaarajiyo Jamaal Cabdi Naasir sidaasi ayuu ku fashilmay oo dhammaan rasaastii lala beegsaday waa lala waayay. Intaa kadib Jamaal Cabdi Naasir waxa uu amray mid ka mid ah ololayaashii ugu cuslaa uguna arxan darnaa ee ugu adkaa ee lagu ekeeyo dadka Mucaaridka ku ahaa gaar ahaan Ururkii Ikhawaanka ee isku dayay in uu dilo oo uu horeba cadaadis aad u badan ugu hayay. Waxa la xiray kuman-naan qof oo siyaasiyiin Mucaarad u badan oo intooda badani ku ab-tirsadaan Ikhwaanka iyo Shuuciyiinta. Waxa xilka laga qaaday in ka abdan 140 sarkaal oo u janjeeray dhinaca madaxweynihi maqaar saarka Masar Jeneral Maxamed Najiib.

Sideed Qof oo ka mid ahaa hogaankii Ikhwaanka waxa lagu xukumay dil daldalaad ah. Waxa xilkii Madaxnimo laga qaaday Maxamed Najiib oo waqtigaas ahaa madaxweyne maqaar sar .. in badan waxa loo taxaabay xabsiyada qaar badana xukun la’aan ayaa la khaarajiyey. Intaa kadib Jamaal Cabdi Naasir waxa uu si aan muran ku jirin u noqday Madaxweynaha dalka Masar isaga oo gacan bir ah ku qabtay. Isku dayga dil ee fashilmay ee lagu doonayay in isaga lagu khaarajiyaana waxa uu ka mid noqday isku dayada dil ee fashilmay ee soo maray madaxda caalamka.
--------------------
ALLAHA u Naxariistee Madaxweynihii sida furan loo soo doortay ee soomaaliya Mudane Cabdirashiid Cali Sharmarke ayaa Bishii Oktoobar 15,keedii Sanadkii 1969kii saacadu markey aheyd 11 subaxnimo waxaa lagu diley magaalada Laas Caanood ee Gobolka Sool iyadoo uu dilkiisa geystey mid ka mid ahaa illaaladiisa.
Madaxweynuhu markii la diley wuxuu booqasho ku marayey dhulkaas asagoo ka jawaabayey abaaro xoogan oo ku dhuftay gobolada haba ugu darnaadeen dhulka uu markaa Booqanayey oo ahaa deegaankii uu dhalasha ahaan ka soo jeeday oo ay ka mid ahayd Bari

Dilka madaxweynaha oo rasaasta lagu dhuftay lala hor istaagay marka la dilay wuxuu ahaa shirqool aad moodaysay in loogu tala galay oo u dhacay si karaamo darra ah, waxayna ahayd dil arxan daran oo uu gaystay askari illaalada gaarka ah ee uu lahaa madaxweynaha, Meelaha qaarkood waxaa lagu sheegayaa in Madaxweynaha loo dilay AANO QABIIL,

Ninka Dilay Cabdirashiid waxaa la oran jiray CABDUQADIR CABDI MAXAMED oo 22 jir ka tirsanaa ciidanka boliiska soomaaliyeed laguna xoojiyey illaalada madaxweynaha ayaa geystay dilka kaasoo ka nixiyey dhamaan ciidamada .. Dilka madaxweynaha Soomaaliya waxaa ka horeeyey isku day dil oo fashilmay oo Madaxweyne Cabdirashiid Cali Sharmarka lagu qaaday, ayadoo lagu weeraray Bambo gacmeed agagaarka Garoonka dayaaradaha Magaalada Muqdisho sanadkii 1968,kii asagoo markaas ka soo noqday Garoonka Dayuuradaha.
Ninka dilay madaxweynaha markiiba waa la qabtay oo la soo xiray dabadeedna la marsiiyey sharciga, waana la dilay, laakiin qaar ka mida wararka lala xariirinaayo dilkiisa, waxay familkiisa ku riixaan dawladi kacaanka oo ay yiraahdaan inu ahaa gogol xaar loo sameynaayey inqilaabkii la sameyey 21 Oktobar 1969, laakiin illa hadda wax cadeynaaya warkaas lama hayo 
--------------------------------------
Allaha Ha u Naxariista Madaxweyne Maxamed Siyaad Bare, ayaa isna waqtiyadi u xukunka dalka hogaaminaayey la kulmay dhawr dhagar shirqool kala gadisan oo khatara, hasa-ahaate intoodi oo dhan waa bar-bariiqdeen .. midkii ugu horeyana wuxuu ahaa mid qorshahiisa lala damcasanaa in lagu tuuro Bambaanooyinka Gacanta oo loogu tala galay iney fuliyaan sadex nin oo goobo talabsi kala durugsan isu jira, oo marku madaxweynaha xaga airabooka ka yimaadoo dadkuna soo dhaweynayaan ay falkaas fuliyaan, ujeedadu ahayd haddu midka hore la gafo tuurista bambada kan labaad isna bambka tuuro, halka kan sadexaad oo isna tuuraaya hadi labada kale la gafan, waxaana sirdoonkii dalka waqtigaas ay dhacdadaas shirqol ku lamaaniyeen inu ka dambeeyey Jeneral Salad Gabeyreu oo damacsanaa isku day Inqilaab u ku sameeyo Siyaad Bare .. Inta kale ee shirqoolka waxay isugu jireen kuwa ka kooban Sumeyn iyo inqilaab lagu dilo.