Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 28 March 2024

Saldhigyada Imaaraadka Ku Leedahay Somaliya oo La Dalbay In La xiro

Saturday - December 30, 2017


Hay’ad arimaha xaquuqda aadamaha u dooda oo magaceda loosoo gaabiyo Ifrid fadhigeeduna yahay magaalada Rome ee dalka Talyaaniga ayaa dalbatay in la xiro dhaman saldhigyada dowladda Is-taga Imaaradka Carabta ay ku leedahay Somalia waxaana hay’adu ay tilmaantay in ay handadayaan amniga iyo xasiloonida gobolka.

Bayaan ay hay’adaan soo saartay waxa ay ku sheegtay in Imaaradku uu u adeegsanayo saldhigyada uu ka dhisanayo Somalia iyo wadamo kale oo Africa ah ay doonayso inay u adeegsanayso inay kusii daba dheereyso dagaalka sukeeye ee ka socda dalka Yemen.

Warka hay’adaan ayaa sidoo kale waxaa shaaca looga qaaday in khatar dhinaca bini’aadamnimada ay kasoo socoto oo saameyn doonta dadka Soomaalida ah waxaana sidoo kale ay sii hurin kartaa mucaradnimo xoogan oo ka dilaacda gudaha Somalia.
Hay’adaan Ifrid ayaa ku baaqday in gabi ahaanba la xiro saldhigyada ay Imaaradka ka hirgalisay dhulka Somalia.

Labo todobaad ka hor ayay ahayd markii xeer ilaaliha qaranka Dr Axmed Tahir uu shir jaraaid ku qabtay Muqdisho kuna shaaciyay inay jiraan laba xildhibaan oo Golaha shacabka ka tirsan oo lacag badan ka soo qaaday Imaaradka si ay u dumiyaan xukuumada Somalia una abuuraan xaalad xasilooni dari siyaasadeed.
Hay’ada waxa ay leedahay ma cusba xad-gudubyada ay Somalia ka galayso waxaana mar hore ay u bartilmaamaysatay midnimada maamul goboleedyada dalka.
Warbixintaan ayaa xustay sidoo kale in qorshayaasha Imaaradka ay wiiqi-doonto howlgalka la dagaalanka Xarakada Al-shabaab.