Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 25 April 2024

Baaritaanki Weerarki Guriga Senator Cabdi-Qaybdiid Oo Lugta La Gashay Dawlada Imaaraadka

Wednesday - January 3, 2018


Xog Hoose ayaa lagu ogaaday in weerarki guriga Senator Cabdi-qaybdiid ay ka dambeysay dowladda Imaaraadka, isla markaana amarkaas uu bixiyey sarkaal Imaaraadka Carabta u jooga Muqdisho, kaasoo madax ka ah howlgalka UAE ee Soomaaliya.

Warbixin ay Imaaraadka bixiyeen ayaa sheegeysa in baaritaanka uu ka mid ahaa shaqo argagixiso la dirir joogto ah oo Dowladda Soomaaliya ay heshiis kula galeen, waxaana ay ciidamada ku daba jireen qof telefoon lambar watay oo laga soo raad-raacay degmada Jilib ee Gobolka J/Dhexe, balse lagu waayay markii uu telefoonka ku densaday agagaarka Guriga Cabdi Qeybdiid.

Ciidamada galay guriga Senator Cabdi Qeybdiid ayaa urursaday telefoonada guriga, waxayna Sheekhada Imaaraadka ee kiiskani sheegeysaa inaysan helin qofkii ay telefoonkiisa baadi goobayeen, isla markaana ay cudurdaar ka dhigteen inaysan ciidamada weerarka qaaday ogeyn inuu Guriga deganaa Senator Cabdi Qeybdiid.
Si kastaba ha ahaatee, arrintan ayaa shaki badan ku dhalisay dowladda federaalka iyo hay’adaheeda ammaanka, waxaana natiijada baaritaankooda ay la wadaageen madaxda sare ee dowladda, lana garanaayo sida dawlada ay arintaa u maareyn-doonto amase u shaacin-doonto