Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 28 March 2024

Damiir Laawe Xajaaj Binu Yuusuf Iyo Ninkii Caqliga Badnaa

Sunday - January 7, 2018


Taariikhda Xajaaj Binu Yuusuf  waxa ku duugan dhacdooyin iyo sheekooyin mucjiso ku noqonaya aragtida aadamaha oo mid kastaa ay leedahay waayeheeda iyo wakhtigeeda .. Xajaaj oo ahaa xaakim intu xukumaayey dalka ciraaq ku falaxasha dhiiga dadka, waxaa laga soo aruuriyey ila 39 dhacdo oo ah kuwi ugu saameynta badnaa ee dhex maray hogaamiyihi xajaaj bin Yuusuf iyo Rag ka soo horjeeday oo diidana qaabka dhibaatooyinka dilka u wax ku maamulaayo iyo in xoog lagu raaco dawladi Ummawiyiinta .. Raga ay arimahaas isku maandhaafeen oo ay iska soo horjeesteen waxay u badnaayeen Asxaabti Nabiga NNKH. 

Taariikh iyo dhacdooyiin dhab ah oo la soo aruuriyey oo ku saabsan xilligii uu noolaa Xajaaj binu Yuusuf oo wakhtiga uu talinayay illaa iminka lagu kala aragti duwan yahay dhinacii lagu tirin lahaa inuu ahaa Nin daalina oo sameeyay sababihii naarta lagu galayey iyo inuu ahaa Nin intiisa wanaagsani badan tahay oo diintana wax badan taray Mujaahidna ahaa.

XAJAAJ BINU YUSUF IYO NINKII CAQLIGA BADNAA
Xajaaj wuxu ahaa governatoorihi-waaligi wakhtigii Umawayiinta Ciraaq xukumayay, wuxuu ahaa nin dhib badan oo dilka dadku la fudud yahay.  Bulshadii ku hoos noolayd xukunkiisa way neceen.
 Sida u caadeystay wuxu mari jiray jidadka magalada isagoo dadka weydiinaya wuxuu ka qabo Xajaaj. Kii diida ama dhaleeceeya wuu dili jiray.
Maalin isagoo nin ilaaladiisa ka mid ahi la socdo ayuu ku soo baxay nin Reer miyi ah wuxu weydiyay oo yiri:  Xajaaj ka waran ?
Ninkii wuxu ugu jawaabay waa daalin, Allah dadka ha ka qabto.  Xajaaj ayaa ku yiri aniga miyaad i garanaysaa waxaan ahay Xajaaj Binu Yuusuf.
Ninkii reer miyiga ahaana wuxu ugu jawaabay oo haddaa aniga miyaad i garanaysaa, waxaan ahay Nin Qaliban oo bisha saddex casho ayaan waasha, maanta waa maalintaydii koowaad. Xajaaj ayaa inta qoslay iskaga tegay.