Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 28 March 2024

Imaaraadka Oo Somaaliya Ka Doonaaya Askar Tiro 400 Dhan Lacag-doon Ah Oo Loo Kireysto Dagaalka Yaman

Wednesday - January 10, 2018


Mid kamid ah dalalka carabta ee xiriirka dhow la leh Soomaaliya ayaa soo dalbaday in la siiyo ciidamo gaaraya Afar Kun oo uu ku darsado ciidamadiisa.
Imaraadka Carabta ayaa la xaqiijiyey in warqad ay u soo qoray xukuumadda Federaalka ah, wuxuuna ka dalbaday in la siiyo 4 kun oo askari waliba ah kuwa sida gaarka ah loo tababaray.

Warqadan inkastoo aanay jawaab helin ayaa hadana Imaaraadka wuxuu ku sheegay iney doonayaan in ciidamadan ay sii qalabeyaan, kana qeybqaataan howlo Imaaraadka ka wado qaar kamid ah dalalka Carbeed .. Weil ma jirto jawaab rasmi ah oo la siiyey Imaaraadka, balse sida la qiyaasayo wuxuu doonayaa askar uu ku layo dagaallada ka socda dalka Yemen.

Si kastaba ha ahaatee, Imaaraadka ayaa iska dhiga saaxiibka dhow ee Soomaaliya, waxaana mar walbo ay danahooda gaarka ah u adeegsadaan cid walbo oo ay Soomaaliya kala saaxiib yihiin.