Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 29 March 2024

Xuriyada La Doonaayo Ma In Laga Furo Xijaabka .. Xuriyad Dheeraad Ah Oo La Siiyey Dumarka Sacuudiga

Friday - January 12, 2018


Dumarka Sacuudiga waxay bishan dhigayaan taariikh ka dib markii loo fasaxay in ay garoomada tagi karaan oo ay daawan karaan ciyaar kubadda cagta ah. Waa markii ugu horeysay taariikhda, waxayna tagi-doonaan saddexda garoon ee dalka ugu waawayn ee ciyaaraha lagu qabanayo.

Dumarka ugu horreeya maanta waxay tagi doonaan garoonka Boqor Fahad oo ku yaalla caasimadda Riyadh oo ay kuwada ciyaari doonaan kooxaha Al-ahli iyo Al-Batin. Waxay ku tartamayaan horyaalka koobaad ee Sacuudiga.
Dalka Sacuudiga ayaa dhowaanahan si qunyar socod ah u ogolaanaya in dumarka ay helaan xuquuq dheeraad ah taas oo jawaab u ah dalabaadka dadka u dooda xuquuqda dumarka.

Ka dib ciyaarta garoonka kubadda cagta ee Boqor Fahad, dumarka daawadayaasha waxay sidoo kale sabtida tagi doonaan garoonka Boqor Cabdallah oo ku yaalla Jiddah halkaas oo ay ku wada ciyaari doonaan Al-Hilal iyo Al-Itixaad.

Ka dib, Khamiista 18ka bishan, Garoonka Amiir Maxamed Bin Fahad ee magaalada Dammaam, waxaa ku wada ciyaari doono Al-Itifaaq iyo Al-Faysali, halkaas oo dumarka ay ka mid noqon doonaan daawadayaasha .. Sidoo kale, Sacuudiga wuxuu isbuucan marti gelin doonaa tartankii ugu horeeyay ee dumar ay wada ciyaaraan.

Bishii Nofembar ee 2017kii, dalka wuxuu qabtay tartanka dumarka ciyaaraha kubadda koleyga ee jaamacadaha ka socda. Waxayna ku ciyaareen magaalada Jiddah, waxaa daawaday in ka badan 3,000 oo dumar.
Waxay ciyaaraha ka daawayn doonaan qeybo si gaar ah loogu diyaariyay haweenka iyo qoysaskooda. Taasi micneheedu wuxuu yahay in dumarka tagaya garoomada ay la fariisan doonaan caruurta ayna ka fogaanayaan ragga.
Tallaabada waxay qeyb ka tahay isbedelka arrimaha bulshada lagu sameynayo ee uu wado dhaxal sugaha boqortooyada Amiir Maxamed bin Salmaan, kaas oo ballan qaaday in dalka uu isbedel ku sameynayo oo qeyb ka ah tiigsiga 2030ka.