Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 25 April 2024

Degaanka Tukaraq Oo Dhagar Iyo Dhiig Ka Bixi La' .. Gaas Iyo Biixi Oo Looga Yeeray Itoobiya

Wednesday - January 17, 2018


Warar dheraad ah ayaa ka soo baxaya go’aanka Dowladda Itoobiya ay ugu yeertay Madaxweynayaasha Soomaaliland iyo Puntland, Muuse Biixi Cabdi iyo C-wali Maxamed Cali Gaas taas oo siyaaba kala duwan looga hadlay.

Warar laga helaayo dhinaca diploomaasiyada, ayaa sheegaya in Itoobiya labada madaxweyne ay ka dalbatay in ay soo gaaraan magaalada Adis-Ababa ee xarunta Dalka Itoobiya, waxaana horay u gaaray madaxweynaha Soomaaliland Muuse Biixi Cabdi iyo wafdi uu hogaaminayo, kuwaaso la kulmay raiisal wasaaraha itoobiya iskuna war dhaafsaday xaalada ka oogan degaanka Tukaraq iyo sidi xiisadaas loo joojin-lahaa

Dhinaca kale Magaalada Garowe ayaa la sheegayaa in ay maalinta biri ah ay ka bixi doonaan wafdi ka socda Puntland kuwaaso gaari doona Dalka Itoobiya, waxaana hogaamin doona madaxweyne Gaas. laakiin illa hadda arintaa kama ay hadlin dawlada dhexe.

Gaas ayaa maanta ka qayb galaya Shirka dhameestirka heshiiska Ahlusunna iyo Galmudug oo ka dhacaya magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Galmudug, waxaana sidoo kale ka qayb galaya Madax ka tirsan Dowladda Soomaaliya.