Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 19 April 2024

Kheyre Iyo Taabit Oo Is Xaniin Taabtay .. Mogdisho Oo Durbaan Dan Jufo U Banaan-baxeysa Iyo Dawlada Oo Ciidamo Karbaash Dul Dhigtay

Saturday - January 20, 2018


Ciidamo ciir ciiraya oo ka kooban Boliska iyo kuwa nabadsugid ayaa saaka lagu daadshay goobo badan oo ka mida magaalada Mogdisho, kuwaaso lagu amray iney si karbaash ah kaga hortagaan banaanbaxyo la sheegay in laga soo abaabulaayo xaafadaha Mogdisho.
Warka nagu soo dhacay ayaa intaa ku daraya in inta badan jidadka halboolaha u ah caasimada la xiray loona diiday iney maraan gaadidka iyo dadka raba iney banaan-bax ka sameeyaan.

Dhinaca kale waxaa isa soo taraya warar jiritaan-kooda la xoojinaayo oo sheegaya in Raiisal wasaare Kheyre iyo guddoomiyaha gobolka Banadir u ka jiro dhexdooda khilaaf salka ku haya Xuqooqda iyo madax banaanida gobolka banaadir, kuwaaso mid kasta diiday inu ka tanaasulo aragtidiisa ku aadan staatuska amase maqaamka Caasimada mogdisho, khilaafkaas muranka ah o mar hore labada dhinac ka dhex qarxay, waxaa la sheegay in hadda ka hor u xal waayey madxweyne Farmaajo.