Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Saturday, 20 April 2024

Boqor Cabdalla Urdun Iyo Dhaxal Suga Sacuudiga Maxamed Bin Salmaan Oo Dood iyo Hadalo isla sara tagay Isku Dhen-Gadeeyey

Monday - January 22, 2018

Xigasho Los Angeles Times .. Hogaamiyaha dalka Jordan Boqor Abdullah iyo Dhaxal sugaha Maxamed Bin Salmaan ayaa ah laba hogaamiyeye oo xaalada maanta ka taagan bariga dhexe saameyn weyn ku leh, waxaase beryahaan labadooda lagu tilmaama iney ka dhaxeyso xurguf siyaasadeed heerkii ugu xuma kadib markii madaxweyne Trump afkiisi ka dhaa-dhaaleyey in Qudus ay tahay caasimada Israaiil, isla markaana Dhaxal sugaha Amiir Maxamed Bin Salmaan ayaa isago doobinaaya colaad ku jiheeyey wixii ka horyimi go'aankaas Tramp. 

Wiilka dhaxal sugaha boqortooyada Sacuudiga Amiir Maxamed Bin Salmaan oo si gaara u yeeshay cudud ballaaran dhaqaalle iyo mid siyaasadeed, ayaa waayahaan dambe gar ahaan geed dheer iyo geed gaaban u fuulay inu carqaladeeyo kacdoonka dalalka muslimka ay kaga soo horjeedaan go'aanadi Trump ee u ku dhaxal wareejiyey Masjidka Mgaalada Qudus, taaso keentay in dhaxal sugaha Maxmed Bin Salmaan ay si toosa isugu dhacaan boqorka Urdun Boqor Cabdalla oo isagu si xoogan uga hor yimi in Qudus gacanta loo galiyo maamulka israaiil

Boqor Cabdalla Urdun oo aad iyo aad u dhibsaday talaabooyinka xad-gudubyada ka yimaada dhinaca ina Salmaan ayaa mar ay wada kulmeen ku yiri: Hadde Amiir Ogow waxaad tahay masuul ay dusha ka saaran-tahay masuuliyada Diin, iyo dhaqan islaam oo weyn, waxuuna ka codsaday in taageerada muuqata ee ka dhanka ah Qudus u xakameyo oo naftiisa u abuurin cadaawad kaga timaada umaddaha islaamka.

Maxamed bin Salmaan oo soo jeedintaas boqorku Urdun ka afceliyey ayaa yiri:  Cabdalle Fulay baad tahay oo waa taad diiday in ciidamadaada geyso Yaman, teeda kale waan taan ku iri ha tagin shirka Turkiga ee istanbuul oo aad iga diiday, tan kale ayuu yiri aniga waan garanaya masuuliyadeyda oo adigo kale caga baruur ah kaa wareysan-maayo waxaan falayo, waxaan kalo ku sheegaya ayuu yiri: Maamulka Qudus waxaa waajibku yahay in laga maamulo Maka iyo madiina oo waa halkii ay diinta islaamka marki horaba ka soo daahirtay, masuulna iyada ka ah wixii mqadasaad islaam caalamka ka jira

Boqor Cabdalla ciil deyn waayey, oo isu diyaariyey inu fadhiga kulanka uga kaco ina Salmaan ayaa halki kaga jawaabay ereyo ina Salmaan xanuujiyey oo yiri: Amiir xaajo kasta waxay kaga beegsantahay inaad si misaaman u abaarto oo waliba si xaq ah u dheeli-tiran si aysan khasaaro kugu imaan, waxaa muuqata inaad xadaarada iyo taariikhda ka qaawantahay, isla markaana qalad iska dhaadhicisay  .. malaha Amiir waad ilaawsantahay in ilaah mahada leh u isir awoowe ka awoowe reer Bani'haashim ku maamuusay iney maamulaan Arlada Xijaas siiba Maka Iyo Madiina, masuulna ka ahaadaan Masjidka Al-Aqsa ee xooga lagu haysto  .. fadlan amiir gooji ama ha goojin wey haboontahay inaad cawradaada bananaanka soo dhigin ee wax isku la har, Ogowna qabri waxuu ku dumin ku qaan ku yeesho