Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 28 March 2024

Waa Maalinkii Kala Baxa .. Puntland Boorka Is Ka Jaftay Oo U istaagtay Badbaadada Waxaa Haray Dal Iyo Dadba

Friday - January 26, 2018


Goobtu Waa Tukaraq Oo In Muddo Ah Ku Jirtay Heegan iyo Col Dagaal .. Wararka ka imaanaya deegaankaas Tukaraq ee gobolka Sool ayaa sheegaya in haatan ay xiisadu halkii ugu xumeyd mareyso, iyadoo sida la warinaayo ciidamo guutooyin reer puntland xoog leh sidi kumandooska dhoobo is marinaaya ay afar jiho kaga soo siqayaan halka ay dhufesyada kaga jiraan askarta somaliland ee difaaca iyo keeb la yuurarka ah una kulul in reer puntland ay iyagu marka hore ciyaarta ku soo boodaan oo is keenaan.

Waxaa kalo la soo tabinaaya in halkaas marba marka ka dambeysa gurmadka iyo grif-girftu labada dhinacba ay aad u badantahay, isla markaana labada ciidanba isku soo durkayaan .. labada dhinac si yool baara aan kala joogsi lahayen u buufinayaan tacshirdo rasaaseed dhinac kasta la isaga hurgufaayo.

Dhawaqa xabadaha kala isir ah, rasaasta wiif-leyda, Baaska kalashnikofka iyo boobayaasha culus iyo gurxanka madaafiicda waa weyn ee mararka qaarkood dhaca ayaa laga maqlayaa gudaha deegaanka Tukaraq, taaso keentay in madaxi kor loo qaadi-waayey .. dagaalka ka cusboonaaday Turaq waa hawlgal u muuqda in ay ku kala baxayaan somaliland iyo Puntland.

Wararka kale oo iyagana ka soo baxaya dhinaca odayaasha Sool ayaa tilmaamaya in bulshadi dhulbahante mabda' ahaan ay gidigood si wada jira hadal kama dambeyen ku baaqay ineysan aqbali-karin in degaanadooda laga abuuro is muujin awood iyo xasarado dagaal, isla markaana cidi ku xad gudubtana ay meel uga soo wada jeensan-doonaan.