Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 28 March 2024

Xoogag Mucaarad Ah Oo Ku Tiirsan Dawlada Imaaraadka Oo Xoog Ku Qabsaday Xarumihi Dawlada Yaman

Monday - January 29, 2018


Xooggag mucaarad ah oo ka soo horjeeda dowlada dibad jooga ah ee dalka Yemen ayaa la wareegay xarumihii dowlada ee magaalada Cadan kadib markii dagaal la galeen ciidamo daacad u ah Madaxweyne Hadi.

Ra’iisul Wasaaraha Yemen Axmed bin Daghar ayaa ku eedeeyey xooggagan gooni u goosadka ah inay abaabulayaan afgambi.

Magaalada Cadan ayaa waxa ay xarun kumeel gaar ah u tahay dowlada Hadi Mansuur halka ay mucaaradka Xuutiyiinta ay maamulaan magaalada caasimada ah ee Sanca.

Arrintan ayaa cirka ku sii shareereysa xaaladaha murugsan ee ka jira dalka Yemen oo ay ku nool yihiin malaayiin ruux oo u baahan gargaar.

Xooggaga la wareegay maanta xarumaha dowlada ee magaalada Cadan ayaa taageerayay xukuumada Hadi, hase yeeshee waxaa ay ku eedeynayaan dowlada dalka Yemen inay musuqmaasuq iyo faquuqid ah ku hayso shacabka dalkeeda.

Dagaalka ayaa qarxay maanta kadib markii waqti ay xooggagan u qabteen Madaxweyne Hadi inuu shaqada ka eryo Ra’iisul wasaare Dagher iyo golihiisa wasiirada la dhaafay.

Kooxdan reer Koofureedka ah ayaa waxaa taageero siiya dowlada Imaaraadka Carabta oo ka mid ah isbahaysiga uu hogaamiyo Sacuudiga ee taageera dowlada Hadi ee dagaalka kula jirta Xuutiyiinta haysta caasimada Sanca iyo dhul kale. Balse kooxdan ayaa doonaysa in dal gaar ah ay yeeshaan shacaba ku nool Koofurta Yemen kuwaasoo la midoobay Waqooyiga Yemen sanadii 1990kii.

Hase yeeshee Ra’iisul Wasaaraha Yemen Dagher ayaa ugu baaqay dowlada Imaaraadka Carabta inay tallaabo qaado isagoo ka digey in dagaalka ka qarxay Koofurta Yemen uu faa’iido u yahay Xuutiyiinta. 

Dagaalada ka dhacay dalka Yemen ayaa sababay in dad kabadan 22 malyan ay ubaahdaan kaalmo iyadoo ay ka mid yihiin dadkaas 8.4 malyan oo gargaar deg-deg ah haddii aysan helin ay halis ugu jiraan macluul u dhiman karaan.