Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 28 March 2024

Wasiirka Arimaha Dibada S/Land Oo Sheegay In Dawlada Somaliya Dib Uga Faagatay Qodobo Horay Loogu Heshiyey

Thursday - Feb 1, 2018


Maamulka xukumada Somaliland ayaa waxba kama jiraan ku tilmaantay warar shegayey in Wasiirka arimaha dibada Somaliland Dr.Sacad Cali Shire uu dalka itoobiya u kula kulmay Madaxweynaha Dowlada Soomaaliya oo ay horay u baahiyen warbaahinta qaar.

Wasiirka oo la weydiiyay in uu la kulmay madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa shegay in wararkasi ay yihiin been abuur balse uu la kulmay wasiirka arimaha dibada Soomaaliya isla markaana ay kawada hadlen arimaha ku saabsan wada hadalada Soomaaliland iyo Soomaaliya.

Wasiir Sacad Cali Shire ayaa shaaca ka qaaday in wasiirka arimaha dibada Soomaaliya ay ka wada hadlen nabada iyo xiisada ka taagan degaanka Tukaraq ee Gobalka Sool oo ay isku hayaan Maamulada Puntland iyo Somaliland.

Ugu danbeyn wasiirka arimaha dibada Somaliland Dr Sacad Cali Shire oo wax laga weydiiyey wada hadalada Soomaaliya iyo Somaliland ayaa sheegay in dawladda Soomaaliya ay ka noqotay qodobo lagu heshiiyay intii ay wada hadaladu socdeen, kuwas oo keeni kara inaan rajo buuran laga filan karin bilowga wada hadalada.