Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 28 March 2024

Ganacsatada Suuqa Bakaaraha oo Ciidan u Gaar ah Qoraneysa

Sunday - March 16, 2008

Mogadisho-Ganacsatada suuqa weyn ee Bakaaraha ayaa ku howlan sameynta ciidamo u gaar ah oo ilaaliya amaanka suuqa weyn ee Bakaaraha.

Kulamo isdabajoog ah oo looga hadlayo qaabkii loo sameyn lahaa ciidamo ilaaliya amaanka suuqa Bakaaraha ayaa maalmahaan ka soconaya gudaha suuqa Bakaaraha, waxaana kulamadaas yeelanaya guddiga ganacsatada gobolka Banaadir.