Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Wednesday, 24 April 2024

Filimka "AL-Fitna" oo Aduun Qurmiyey

Monday - March 31, 2008

Amastardam: waxaa dunida islaamka ka kacay buuq iyo cabasho lala xariirinayo filimki u soo bandhigay xildhibaanka mucaardka dalka holaand ee la yirahdo Geert Wilders, filmkaas oo lagu faafiyey shabakooyinka Enternadka caalamka, waxaa ka dhashay mawjado ciil iyo caro ay muujiyeen dawladaha iyo shacuubta islaamka, sido kale dawladaha reer yurub oo iyagana cambaareeyey isku xirka islaamka iyo argagixisada.