Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 28 March 2024

Wiil Somali Ah Oo Ku Jiray Xabsi London Oo Maxaabiisti Jeelka Ku Dishay Abley Xiireysa

Saturday - Feb 3, 2018


Wiil Soomaaliyeed ayaa lagu dhex dilay xabsiga lagu magacaabo Wormwood ee magaalada London, wiilkaasi oo lagu magacaabi jiray Khadar Saalax.
Booliska wax baarayey ayaa sheegay in jirka marxuumka ay ka muuqdaan dhaawacyo todobo ah oo loo adeegsaday tooreey xiireysa,

Qoyska  Saalax ayaa u maleynayeen in uu ku badbaadi ogyahay xabsiga dhexdiisa kadib caqabado uu kala kulmay banaanka, balse hadda waxa ay ku jiraan baroordiiq.
Khadar Salax oo xaasle ah ayaa la maareyn waayay isticmaalka daroogada iyo iibinteeda, waxayna qoyskiisa xal u arkeen inuu xabsiga ku jiro.

Boliska ayaa sheegay in Afar qof  loo xirxiray dilka Khadar Saalax oo lagu dhexdilay xabsiga Wormwood Scrubs ee galbeedka London.