Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 28 March 2024

R/W Kheyre Oo Safarkiisa Imaaraatka Lagu soo Tashkiilin-doono Iyo Halka Ay Ka Soo Burqato Ibtilada Somaliya

Saturday - Feb 24, 2018


Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali kheyre iyo wafdi uu horkacayo ayaa sida la xaqiijiyey maalinta beri ah ku sii jeeda wadanka isutaga Imaaraadka Carabta ee ah halka laga bireeyo somaliya ka dib markii uu casuumaad ka helay Madaxda dalkaas.

Booqashada Kheyre ee Imaaraadka oo dhowr jeer u baaqatay arrimo farsamo lagu sheegay ayaa waxaa  xaqiijiyey masuuliyiin ka tirsan xafiiskiisa, wuxuuna hogaamin doonaa wafdi heerkiisu sareeyo oo ka tirsan goleyaasha dowlada.

Arintan ayaa ka dambeysay ka dib markii raisul Wasaaruhu la kulmay Wasiirka Arrimaha dibada ee dowlada Imaaraadka intii uu socday shirkii Davos ee dalka Switzerland lagu qabtay bishii hore.

Ra’isul Wasaare kheyre ayaa marka uu tago dalka Imaaraadka la kulmi doonaa Masuuliyiinta dalkaas, isagoo sida ay baahiyeen kala hadli doono xoojinta xiriirka labada dal oo mad-madow uu soo kala dhex galay tan iyo wixii ka dambeeyay markii ay dowladda Soomaaliya dhexdhexaad ka noqtay Khilaafka dalalka Khaliijka.

Dowlada Imaaraadka Carabta ayaa lagu eedeeyay iney si weyn ugu lug yeelatay xaalada Siyaasadeed ee dalka, iyadoo malaayiin dollar ku bixisay sidii ay isaga horkeeni laheyd dowlada dhexe iyo qaar ka mid ah dowlad goboleedyada xubnaha ka ah.

Madaxweyne Farmaajo oo horey labo jeer u booqday dalka Imaaraadka ayaan ku guuleysan inuu joojiyo fara gelinta Imaaraadku ku hayeen siyaasada Somalia, lamana oga waxaa booqashada raisul  wasaare Khayre ay arimahaas ka bedeli doonto.