Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 18 April 2024

R/W Kheyre Oo ka Codsaday Xildhibaano La Jaal Ah Iney Ka Hortagaan Mucaaradkisa Hangoolada Qabiil Daabka Haysta

Monday - Feb 26, 2018


War la sugay ayaa tilmaamaya in Ra’isul wasaaraha Xukuumada Somalia Xasan Cali Kheyre u maaalada Muqdisho ka wada shirar gaar-gaar ah oo uu la qaadanaayo Xildhibaanada iyo Odayaasha qaar ka mida Beelaha Hawiye.

Ra’isul wasaare Kheyre ayaa Xildhibaanada iyo Odayaasha Beelaha Hawiye kala hadlaaya sidii Xildhibaanada ka soo jeeda beelahooda ay ugu qancin lahaayeen inay ka laabtaan Mooshin la sheegay in Baarlamaanka la horgeynayo marka uu furmo Kalfadhiga ugu horeeya.

Kheyre ayaa dhinacyada uu la kulmaayo sharaxaad kasiinaaya culeyska ay la kulmeyso dowlada Somalia iyo sida mucaaradka u doonayaan inay fashiliyaan qorshahooda.

Kheyre waxa uu Odayaasha si gaara uga dalbanayaa inay isgarabtaagan dowlada Federaalka, halka ay garab uga yihiin dhinacyada mucaaradka, waxa uuna cadeeyay in dadaalkooda uu yahay keliya mid la doonaayo in lagu saxo khaladaadka jira.

Sidoo kale, Kheyre ayaa dhinacyadaasi u balanqaaday inay saxayaan khaladaadka jira, balse waxa uu ku nuux­-nuuxsaday in dowlada Federaalka ay sharciga la tiigsan doonto shaqsiyaadka loo arko inay caqabad ku yihiin amniga iyo xasilooni ka dhalata dalka.