Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 29 March 2024

Alshabaab Oo Sheegatay iney Qarax Ku Dileen Askar Itoobiyaan Ah Oo Ku Sugan Bay

Sunday - March 4, 2018


Warar dheeraad ah ayaa waxay ka soo baxayaan Khasaaraha ka dhashay Qarax xoogan oo Ciidamada Itoobiya lagula eegtay deegaano ku yaalo Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Ugu yaraan  hal gaari ayaa ciidanka Itoobiya looga gubay gobollada Bay, waxaana jira dhimasho iyo dhaawac soo gaartay ciidamada gaadiid-kooda la qarxiyay.

Wararka ka imaanaya gobolka Bay ayaa sheegaya in qarax ciidanka Itoobiya lagula eegtay duleedka deegaanka Awdiinlle uu sababay burburka gaari nuuca Uuraalka loo yaqaana ah, dadka deegaanka ayaa sheegay in qaraxu uu haleelay kolonyo gaadiid ah oo ka amba-baxday magaalada Baydhabo  kunasii jeeday dhanka degmada Bardaale ee isla gobolka Baay.

War kasoo baxay Al-Shabaab ayaa lagu sheegay in ugu yaraan 30 Askari Itoobiyaan ah ay dhimasho iyo dhaawac ku noqdeen qaraxa, Al Shabaab waxay xaqiijisay in gabi ahaanba uu burburay gaariga Uuraalka ah ee qaraxa lala beegsaday, laakiin Ma jira ilo ka madax banaan oo xaqiijinaya khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay Qaraxa,walina kama ay hadlin Ciidamada Itoobiya.